Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee  KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa digniin kasoo saaray dhawaaqyo kasoo baxay kaddib markii gudidda Fulinta ee Xisbigu shaaciyay go’aan dhigaya in hoggaanku sii hayn doono xilalka ilaa laga gaadhayo Jun 2027. iyadoo muadadaa dib loogu dhigay shirweynaha shanaad ee Xisbiga.

Go’aanka ayaa soo baxay sida uu sheegay Afhayeenka Xisbiga Mustafe Cabdi Ciise (Mustafa Shiine) oo warbaahinta la hadlay shalay in hoggaanka  Xisbiga oo muddooyinkii u danbeeyay u socday shir ay ku lafa gurayeen mustaqbalka Xisbiga kaddib guuldaradii doorashooyinka Madaxtooyadda iyo tartanka Ururada siyaasadda 13 November 2025.

Go’aanka shir weynaha dib loogu dhigay, ayaa dadka qaar warbaahinta kaga fal celiyeen, kuwaas oo u muuqan inay kalsooni ka haystaan Xisbiga iyo hoggaankiisa, waxaana arrimaha maanta digniin kasoo saaray Guddoomiyaha Xisbiga Maxamed Kaahin oo sheegay in aanay jirin cid Xisbiga wakiil kaga ah hadalada warbaahinta la marinayo.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si adag uga digay dadka aan xisbiga ka tirsanayn ee ku hadalla magaca KULMIYE, isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo ku takri-fasha magaca iyo xisbiga. Kulmiye

” Maxamed Kaahin, isaga oo muujinaya sida aan loo ogolaan doonin in dad aan xisbiga metelin ay u hadlaan si aan sharciyeysneyn.

Digniinta Guddoomiye Maxamed Kaahin ayaa timid iyadoo ay isa soo tarayaan dad badan oo aan rasmi ahaan uga tirsanayn xisbiga, kuwaas oo hadallo  sheegashooyin ku saabsan KULMIYE ku baahiya baraha bulshada.

>

Dhinaca kale, go’aanka dib loogu dhigay shirweynaha Xisbiga ayaa ahaa sidan:

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews