Hargeysa(ANN)- Xisbiga KULMIYE, ayaa Jawaab ka bixiyay dhawaaqa uu ku shaaciyay Murrashaxnimadiisa Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka hadlay hadal uu maalmihii lasoo dhaafay ku shaaciyay waraysi uu siiyay Wasiirkii horre ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi Telefishanka Horn Calbe, kaas oo uu ku shaaciyay hankiisa uu ku doonayo inuu u tartamo jagadda guddoomiyennimo ee Xisbiga KULMIYE.


Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa ka jawaabayay dhawaaqa damaca kasoo yeedhay, Maxamuud Xaashi Cabdi, wuxuu sheegay in murrashaxnimada xisbiga ay ka imanay gudaha xisbiga ee aanay ahayn mid dibedda ka imanay. wuxuuna isagoo ka jawaabaya dhawaaqa Maxamuud Xaashi yidhi,
“Maxamuud Xaashi kuma jiro hoggaanka, golaha dhexena, wuxuu soo galay shirkii u danbeeyay, xaq ayuuna u leeyahay inuu is sharaxo, laakiin xisbiga dhexdiisa, ayaa layska sharaxaa ee bannaanka iyo warbaahinta layskama sharaxo ee tallada xisbiga ayay kasoo go’adaa cida noqonay murrashax xisbiga ee ummada laga iibinayo.” ayuu yidhi, Axmed Cabdi Dheere.


Mar uu ka jawaabaya dhawaaqa Maxamuud Xaashi ee ahaa in xilligii Maxamed Kaahin oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha, isla markaana haya jagada guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga uu dhammaaday marka laga hadlayo tartanka guddoomiyaha Xisbiga, wuxuu Axmed Cabdi Dheere sheegay in aanu Maxamed Kaahin ahayn kii la odhan lahaa waxa dhammaaday waqtigiisa, sidaa awgeed aanu hadalkaasi ahayn mid ku haboon meesha.