muse biixiHargeysa(ANN)Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ka digay dad qoraalo been abuur ah ku isticmaala barraha Bulshadda ee Internetka, kuwaas oo sida ay sheegeen magaca Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi loo adeegsado, isla markaana waxay ku tilmaameen dadkaa kuwo doonaya inay sumcad-dil ku sameeyaan magaca guddoomiyaha.

Sidaana, waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Xisbiga KULMIYE, qoraalkaa lagag hadlay been-abuurka oo uu ku saxeexanyahay Mustafe Iid Maxamed oo ah Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga KULMIYE, ayaa u qornaa sidan:-

“Waxa jirta in si been-abuur ah magaca Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi loogu isticmaalay barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook.
Haddaba, xisbiga KULMIYE wuxuu u caddaynayaa bulshada iyo cid kastoo wax lagaga sheegay qoraallada lagu baahiyey akoonkaasi Facebook-ga ee sida been-abuurka ah loogu isticmaalay magaca Muuse Biixi Cabdi in aannu lahayn Guddoomiyaha xisbigu.
Gabogabadii, waxaannu u sheegaynaa kuwa been-abuurka magacyada caaddaystay aanay waxba sidan ku yeeli karayn karaamada iyo sharafta madaxda Qaranka ee ay lafahooda uga waantoobaan.”
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.