Araweelo News Network
kulmiyeberbera1Hargeysa(ANN)Xisbiga Xukunka haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay mawqifkiisa doorashooyinka Madaxtooyadda iyo golaha Wakiiladda oo u muuqda in aanay qabsoomayn xiliga loo qorsheeyay ee 2017.
Sidoo kale wuxuu KULMIYE, ka hadlay hadal haynta muda kordhinta xukuumadda iyo Baarlamaanka, isagoo sheegay in aanu jirin qorshe la doonayo in lagu kordhiyo mudada xukuumadda oo ay isku khilaafsan yihiin Xukuumadda iyo Xisbigeedu.
War-saxaafadeed kasoo baxay Caawa Caweyskii Waaxda Warbaahinta Xisbiga KULMIYE , ayaa u dhignaa sidan:-

“Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo mar walba xil wayn iska saaraya gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee ka saaran dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay waqti iyo dedaal badan ku bixiyeen dhammaystirka arrimaha dhankooda khuseeya ee doorashooyinka Somaliland si ay ugu qabsoomaan xilligooda ku astaysan 28 March ee sannadka 2017.
KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay muddo hore dhammaystireen dhammaan wixii kaga beegnaa hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo qabashada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada hadday tahay dhaqaale, shuruuc, waajibaadka looga baahan yahay xisbiga gudihiisaba iyo qodobo kale.
Ma jiraan habayaraatee aragtiyo iska soo horjeeda oo KULMIYE iyo xukuumaddiisu ka kala aaminsan yihiin qabsoomidda doorashooyinka, balse waa isku mowqif, waxaanna mar walba ka go’an siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi u caddeeyeen marar badan in ay doorashooyinku ku dhacayaan xilligooda oo aanay raali ka ahayn dib-u-dhac kale oo ku yimaada.
Sidaasi darteed, waa waxba kama jiraan wararka lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta maalmihii u dambeeyey ee lagu sheegayey inay jirto muddo-kordhin labaad iyo mowqifyo arrintaa la xidhiidha oo ay ku kala duwan yihiin xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE.
Sida la wada ogyahay caqabadda keliya ee ilaa hadda hortaal doorashadu waa xeerkii lagu dooran lahaa Golaha Wakiillada oo aan diyaar ahayn, kaas oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI uu tahlikariwaayey inuu dhammastiro shuruucdii looga baahnaa doorashada mudanayaasha aqalka Wakiillada oo uu masuulka u sareeya ahaa muddo 11 sanno ah, kana soo bilaabmaysa markii mudanayaasha golahaas la doortay bishii September ee sannadkii 2005.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Xisbiga KULMIYE oo uu ku saxeexnaa Madaxa Waaxda Warbaahinta Xisbiga KULMIYE Cali Jaamac Maxamed (Cali Dheere)