Araweelo News Network

Axmed Cabdi Dheere

Hargeysa(ANN)-Warbaahinta xisbiga KULMIYE)-Xisbiga Midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE, ayaa ka hadlay shaqaaqada kasoo cusboonaatay deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxana uu talooyin ku saabsan sidii dhibaatadaas xal waara loogu raadin lahaa u diray axsaabta mucaaridka iyo guud haanba bulshada reer Somaliland.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xisbigu ku leeyahay caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in guud ahaanba shacabka reer Somaliland looga baahan inay si wada-jir ah ugu gurmadaan bulshada walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Guud ahaanba shacabka reer Somaliland waxa la gudboon inay u gurmadaan shaqaaqada deegaanka Ceel-afweyn oo sidii loo dhexgeli jirey loo dhexgalo, dhinaca xukuumadduna intii waajibka ku ahayd wax badan way qabatay, halkaas muddo badan baa la fadhiyey, arrintanina marar badan bay inagu soo noqotay oo mid Somaliland oo dhan waxgaradkeeda u taalla weeyaan, muxaafid iyo mucaaridba. “

Guddoomiyuhu, waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay khasaaraha nafta iyo maalkaba leh ee ay sababtay shaqaaqada ka taagan deegaanka Ceel-afweyn, taas oo laga yaabo inuu cadowga Somaliland ku lug leeyahay, “Cadow badan baynu leenahay, cadowgaasina inuu shaqaaqadaas ku jiro oo la inoo soo maro, ayaa laga yaabaa, shan goor baana dagaal halkaas ka dhacay, dad lixdameeyo ku dhawaad ahbaana ku dhintay oo aynaan garanaynin wax Allah iyo wax ay ku dhinteen, Boqol iyo dhawr iyo Afartan-nna way ku dhaawacmeen, maantana wax Allah iyo wax aynu ku nisbayno garanmaynno, waxana aynu odhan karnaa waa shil,” ayuu yidhi guddoomiye Axmed Cabdi Dheere.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Cabdi Dheere, waxa uu farriin u diray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxana uu usoo jeediyey inay ka waantoobaan siyaasadaynta dhibaatada halkaas ka taagan, kana qayb-qaataan dedaalka xukuumaddu waddo ee ay xalka ku raadinayso, waxana uu yidhi,“Waxan arkaayey xisbiga WADDANI oo madaxdii ugu sarraysay ay hadlayeen oo ay lahaayeen xukuumaddu yaanay baaq dirin, xukuumaddu baaq bay diraysaa, gurmad bay diraysaa, idinkuna raggii dalkan hoggaamin lahaa baad kamid tihiine waxa ay ahayd inaad tagtaan oo ka qayb-gashaan bay ahayd, xisbiga UCID-na wuu ka qagbgalay oo talada ayuu wax ku lahaa, xaq baanu u leeyahay, mucaaridnimo iyo muxaafidnimo inooma taallo’e waa dadkeenii oo isku baaba’aya, wax walbana inaynu mucaaridnimo ka dayno ma aha, arrintaasina way inagu soo noqnoqotee inaynu meel iska wada taagno ayaa muhiim ah.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu gudoomiye Axmed Cabdi Dheer intaas ku daray, “Beryihii hore marka arrimahan oo kale dhacaan, shacabka reer Somaliland meel bay isugu iman jireen, tashi baa laga geli jirey, xukuumaddaa loo iman jirey, miis baa la isugu wada fadhiisan jirey, laakiin waayadan dambe waxa inagu soo kordhay in inta maqaaxiyaha la fadhiisto xukuumadda la cambaareeyo, ama la yidhaahdo baaq baanu diraynaa. Labada xisbi-mucaarid waajibaad baa loogu leeyahay iyo qof kasta oo waxgarad ah inuu u gurmado oo uu ka qaybgalo.”

Mudane Axmed Cabdi Dheere, waxa uu cod dheer ku sheegay inay xukuumadda talada haysaa waajibkeedii gudatay, isla markaana ay cudud ciidan dul-dhigtay goobaha dhibaatadani ka aloosan tahay, waxana uu yidhi, “Xukuumadda xil baa saaran, xilkeedana way gudanaysaa, ciidanka qaranka oo dagaal kale haysto oo furin jooga, ayaa halkaas lagu raray oo la geeyey, labadii reer ee shaqaaqadu dhexmartayna xukuumaddu way isugu yeedhay, intii waxgaradkooda ahaydna way isugu yeedhay oo halkaasay tageen.”

Ugu dambayntii guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere, waxa uu tacsi u diray ehelka, qoyska, qaraabada iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland ee uu ka baxay xoghayihii xisbiga KULMIYE ee gobolka Sool, Marxuum Maxamuud Barkhadle Cabdi oo ay gacan ka xaqdarani gudaha magaalada Laascaanood ku dishay toddobaadkii lasoo dhaafay.