Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)- Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa ololihiisa toddobada maalmood ee doorashada Madaxtooyada dalka ku soo khatimay wacdaro leh astaanta guusha.

Kumanaan iyo kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay xidhitaanka ololaha xisbiga ee socday toddobada maalmood oo maalintiisii u dambaysay ay ahayd maanta, ayaa isu-soo-baxyo mahrajaanno indho-daraandar ah ka sameeyey dalka oo dhan, iyadoo shacabka bannaanbaxyada taageerada KULMIYE maanta ka sameeyey magaalooyinka waawayn sida Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood, Caynaba, Oodweyne, Balligubadle, Gabiley iyo Saylac waxay suuqyada iyo shaaracyadoodu u eekaayeen kuwa isu rogay midabka calanka xisbiga KULMIYE ee ka kooban laba midab ee Huruudda iyo Doogga, taas oo muujisay sadaal guul cad oo xisbiga KULMIYE ka soo hoyn doono doorashada Madaxtooyada.

Taageerayaal aan farahooda la qiyaasi karin oo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa isu soo bax qarqiyey jidadka, suuqyada iyo xaafadaha shanta degmo ee magaalada oo ay sida daadadka socod ku mareen ku soo bandhigay taageerada KULMIYE, kuwaas oo markii dambey isugu soo biyo-shubtay xarunta Khayriyada oo markii ay buux-dhaaftay ay taageerayaashu safaf dhaadheer u galay waddooyinka kala duwan eek u hareeraysan fagaarahaas.

Kumanaanka taageerayaasha KULMIYE ah ee isugu soo baxay magaalada Hargeysa oo iyagoo si qurux badan ugu soo lebbistay astaanta KULMIYE ku dhawaaqayey erayo iyo hal-ku-dhegyo ay ku tilmaamayeen guusha xisbiga iyo murrashaxiintiisa oo ay ka mid ahaayeen ‘Waa gunnaanadkii guulayso’, ‘Geesigii wuu guulaystay’ iyo qaar kale oo badan, waxaanna isu soo baxa fagaaraha beerta Xorriyadda kala qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xibsiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda iyo haldoorka kale ee xukuumadda iyo xisbigaba Guddoomiyaha Ololaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Masuuliyiin iyo siyaasiyiin miisaan leh oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, siyaasi Xuseen Cali Ducaale Cawil, Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo xubno kale oo ka hadlay fagaaraha, ayaa bogaadiyey taageerayaasha KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, waxaanay ku adkeeyeen inay codkooda si ka fiirsasho leh u siiyaan xisbiga iyo murrashaxiintiisa taageer muujiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharraxaad ka bixiyey xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa waqtigan, waxaannu xusay in baahi badan loo qabo sidii ay bulshadu u cugan lahayd hoggaamiye karti leh oo beddela Madaxweynaha xilligan dalka ka taliya, waxaannu yidhi, “Innagu KULMIYE ayeynu nahay oo xisbigii midnimada, wadajirka, waxqabadka, midnimada iyo xisbigii qaranimada, waxanaynu wadanaa laba murrashax oo ummaddu garanayso oo iyagu dalka gur-guri iyo geed-geed qaranka u garanaya, mana wadanno murrashaxiin dhegta wax loo saarayo’e waxa aynu wadanaa murrashaxiin hal-abuur leh oo hindise iyo hiigsi leh, qarankanina waxa uu u baahan yahay hoggaamiyo wanaagsan, waxaana soo maamulay hoggaamiye fiican oo Axmed Siilaanyo ah, ninka kabihiisa gashanayaana waa inuu noqdaa hoggaamiye wacan.” “Hoggaaminta qaranka waxa u tartamaya laba nin oo wanaagsan iyo hoggaamiye wanaagsan, qarankuna waxa uu u baahanyahay hoggaamiye wanaagsan ee uma baahna rag wanaagsan, ragga wanaagsanna waxa u baahan guryahooda iyo qoysaskooda, qaranna uma arrimiyaan, qarankana waxa u arrimiya hoggaamiye wanaagsa, Muuse Biixi Cabdi-na waa hoggaamiye wanaagsan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad uu kusoo khatimay khudbadihii uu muddadii toddobaadka ahayd ee ololuhu socday kasoo waday gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa farta ku fiiqay siyaabaha uu doonayo in dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, waxaannu yidhi,  “Horumar dhaqaale waxa aynu ku gaadhi karnaa ugu horrayn inaynu soo saarnaa cunto innagu filan, marka labaad waxa aynu dhawraynaa ragga iyo hablaha baayac-mushtariga ah ee shirkadaha gaarka ah sameeyey ee iyaga oo aan bangi iyo ictiraaf haysanin inoo sameeyey shirkadaha waaweyn ee caalamka la xidhiidha, iyagana waxa ku waajib ah in xoolaha ay dalka ka heleen geliyaan dhulka oo ay wershado iyo shaqo ku abuuraan, labadaas  marka aynu isla helno ayeynu horumar iyo shaqo keenaynaa.”

Murrashaxu waxa uu bulshada ugu baaqay inay kala doortaan horumarka iyo dedaalka KULMIYE ku hawllan yahay iyo dhibaatada ay Soomaaliya soo dhexmarinayso xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, “Maanta Somaliland codkiina ayey u baahan tahay oo qaranka Somaliland baa codkiina ku dhismayee kala doorta horumarka iyo dib-u-dhaca, kala doorta Koonfur oo innagu qososha oo inoo dabbaaldegta iyo Koonfur oo waxa ay doonayso aynu diidno, kala doorta xadkeena iyo qaranimadeena oo aynu ilaalino oo aynu ciidankeena dhisno iyo in aynu baylah noqono, codkeennuse waa nabadda iyo icitraafka,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu soo afmeeray maalinta toddobaad ee ololaha xisbiga KULMIYE, isla markaana cod dheer bulshada reer Somaliland ugu sheegay inay murrashax Muuse Biixi  iyo ku-xigeenkiisa hoggaaminta dalka u daba-fadhiistaan, ayaa shaaciyey inuu ummadda u cugay murrashaxiin sii ambo-qaadi kara horumarkii uu dalka ka sameeyey muddadii uu hoggaaminta soo hayey, waxaannu yidhi, “Si horumarka iyo waxqabadka xisbiga KULMIYE uu taabbogeliyey, halkaa uu uga sii tisqaado waxaan ugu baaqayaa, shacbiga Somaliland inay taageeraan, isla markaana u codeeyaan, murrashaxiinta Xisbiga KULMIYE. Waxaan aaminsanahay in Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu yahay hoggaamiyaha ugu habboon ee halkaa ka sii wadi kara hiigsigii uu lahaa Xisbiga KULMIYE iyo horumarka uu dalku u baahan-yahay mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba.”

Sidoo kale, isu-soo-baxyo baaxaddooda aad u ballaadhan tahay oo shacabka reer Somaliland si siman ugu soo bandhigeen heerka ay taagantahay taageeradooda ay u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa ka qaybsoomay magaalooyinka Boorama, Burco, Gabiley, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood, Caynaba, Oodweyne, Balligubadle iyo Saylac, kuwaas oo ay kala qaybgaleen madax kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murrashaxa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), xubno hoggaanka sare ee KULMIYE ka mid ah, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo guddiyada ololaha xisbiga ee gobollada kala duwan ee dalka.