Turkishfalag
Hargeysa(ANN)Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa shaaciyey in aannu dalka Turkiga iyo dawladdiisuba xog-ogaal u ahayn qaddiyadda ka dhexaysa waddamada Somaliland iyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay shalay, in uu ogaaday in madaxweynaha Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan aannu wax xog ah ka hayn arrimaha ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, arrintaasoo uu xusay inuu ka war helay wadahadalkii labada dal ku yeesheen Turkiga sannadkan 2014 oo ay guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran goob-joog ka ahaayeen, isagoo tilmaamay dalalka xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD ee bariga Afrika iyo dawladaha reer Yurub ay Turkiga uga aqoon badan yihiin arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya.
“Inta aan ogahay Turkigu xog-ogaal kama aha qaddiyadda ka dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanan ku ogaaday shir Tukriga lagu qabtay oo aan goob-joog ka ahaa aniga, Faysal (guddoomiyaha UCID), Cirro (Guddoomiyaha WADDANI) iyo Madaxweyne Silaanyo waannu wada joognay. Ra’iiIsal-wasaarihii markaas oo imminka ah Madaxweynaha Turkiga waxa uu ahaa nin dhinac qudha sheekadooda haya oo garta dhinac keliya dhegaysta oo war aan u hayn waxa la isku hayo.
Maalintaas Madaxweyne Siilaanyo ayaa si adag u gar-naqsaday, dabadeedna wuu fadhiistay ninka Ra’iisal-wasaaraha ahaa ee iminka Madaxweyna ah, waxaannu ogaaday in qaddiyadda intaas le’eg dhinaca kalena jirto (Somaliland), taasina waxay ku tusaysaa in aannu xog-ogaal badan ahayn. Markaa waxa arrintan (Somaliland iyo Soomaaliya) aad xog-ogaal ugu ah cidda ugu dhaw oo Jabuuti kaw ka tahay oo IGAD (dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD) oo dhan ayaa Turkiga uga xogogaalsan oo aan leeyahay waa halka qudha ee arrintaas qaadi karta. Dawladaha Yurub way uga xog-ogaalsan yihiin Turkiga. Haddii aan arrintan (wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya) IGAD iyo Yurub ka qaybgelin oo aan la isugu tegin ma dhammaanayso, waxaanan qabaa in Jabuuti ahayd meesha ugu habboon, waxaanan ku dhiirirgelinayaa madaxweynaha Jabuuti in aannu faraha kala bixin, maadaama uu yahay xigtada ugu dhaw dal ahaan, af ahaan oo meel kasta oo lagu qabanayo gacan ku yeesho iyo IGAD oo dhan.”
Sidoo kale, Guddoomiye Biixi waxa uu soo dhaweeyey wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen dalka Jabuuti toddobaadkan, waxaannu sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle yahay hoggaamiye cid walba uga xog-ogaalsan arrimaha ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
“Aad ayaan u soo dhawaynayaa shirka lagu qabtay Jabuuti, sababtoo ah dalka Jabuuti waa waddankii ugu habboonaa in arrintan (wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya) uu galo, Madaxweynaha Jabuuti-na waa Madaxweynaha qudha ee ugu xogogaalsan waxa ay isku hayaan Somaliland iyo Soomaaliya, taariikh ahaan, siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaan waa madaxweyne intaba garanaya, waana madaxweynaha qudha ee Soomaali ah ee xogtooda og, markaas waxaan is leeyahay cid arrintaas in ay ka garnaqdo amma ay gasho kaga habbooni ma jirto, dal ahaana waa la mid,” ayuu yidhi.
Md. Muuse Biixi oo ka jawaabay baaq ka soo baxay xisbiga WADDANI oo la xidhiidhay in xukuumaddu u fasirto bulshada heshiiska lagu kala saxeexday Jabuuti, gaar ahaan qodobka khuseeya in lagu dhiirado arrimaha masiiriga ah, waxa uu sheegay in ujeedada qudha ee wadahadalka loo galay tahay in Soomaaliya ictiraafto Somaliland.
“Qodobka qolada WADDANI leeyihiin ha la caddeeyo hoos u daadaga, waa cad yahay oo waxa looga jeedaa hoos u daadaga, kor-u-qaadis, faq iyo diyaarado la raaco, hal qodob baa Somaliland inoo wada guntan oo aynu ku midaysanahay, kaasoo ah in wadahadalku ku dhammaado in qolada Koonfur (Soomaaliya) ictiraafti Somaliland, taas haddii la waayana wadahadalku wuu iska dhammaanayaa, meel kale oo loo gudbana ma jiro, wax kale oo loo gudbana ma jiro, gorgortana ma leh, yaanay iska daalin, caalamkuna waa in arrintaas ogaadaan, Jabuuti amma IGAD ha noqdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com