Araweelo News Network

Hargaysa(ANN)Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbul-xaakimka KULMIYE Muj Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maalintii shalay kormeer ballaadhan kusoo sameeyey deegaanada diiwaangelinta codbixiyayaashu ka socoto ee hoos yimaadda degmada Faroweyne.

Waftigan oo subaxnimadii hore jarmaado kaga baxay caasimadda Hargeysa, ayaa socdaal dheer oo indho indhayn kusoo maray goobo tiro badan oo deegaankaas ku yaalla, kuwaas oo ay dadweynuhuna si habsami leh iskaga diiwaangelinayeen, waxana ay hadallo ka dhegaysteen qaar kamid ah odayaasha deegaannada ay marayeen iyaga oo ka waraystay sida ay diiwaangalintu u socoto.

Ugu horayn waftigan uu hoggaaminayey Guddoomiye Maxamed Kaahin, isla-markaana ay xubno ka ahaayeen xildhibaanno,Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, hogaanka garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye iyo waliba saraakiil sare oo xisbiga kamid ahi waxa ay socdaalkooda ku ibo fureen deegaanka Garabis oo hoostagta degmada Faroweyne, waxana ay halkaas kula kulmeen shacab si hufan isu diiwaangelinaya oo waajibaadkooda distooriga ah gudanaya, iyadoo masuuliyiinta xisbiguna halkaas dardaaran uga jeediyeen.

Deegaanada kale ee waftigu soo mareen waxa kamid ah Waddo-bariis, Sayla-galbeed, Bandar-amaan, Cadaroosh, waddo-mahaakiil, Xadarta , Faroweyne , Maraaga iyo Lafta Faro-weyne, waxana masuuliyiintu si weyn ugu guubaabiyeen shacabkii ay halkaas kula kulmiyeen inay isdiiwaangeliyaan, si ay u helaan fursad ay ciddii ay rabaan ku dooran karaan.

Intii ay waftigu socdaalkooda ku tageen waxa xusid mudan inay ku adkaatay deegaanka Waddo-makaahiil oo kamid ah deegaanada ay safarkooda ku marayeen maadaama daadad xooggani muddo dheer halkaas ku fatahayeen, waxase ay masuuliyiintii waftigani go’aansadeen inay magaalada gudaha u galaan, waxana ay dhex qaadeen daad xoogaanaa oo magaalada dhexdeeda iyo hareeraheedaba marayey, iyagoo markii dambena gudaha magaalada dadka kala hadlay.

Dadweyne daadka soo dhex qaaday oo waraaqaha codaynta qaadanayey, ayaa farxad weyn ku qaabilay waftiga halkaas ugu tegay iyagoo kabahooda gacmaha ku sita, isla-markaana u badheedhay inay daadka dhex qaadaan, waxana ay masuuliyiintu farxad weyn ku qaabileen shacabka reer Waddo-makaahiil oo iyagu ku dhiirraday inay safaf u galaan qaadashada waraaqaha xilli daad xooggani halkaas ka socdaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin Axmed oo isagu halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad naqay shacabkii qaadashada waraaqaha codaynta diyaarka u ahaa,

“Waxan mahadnaq gaar ah iyo bogaadinba u dirayaa shacabka reer Waddo-makaahiil ee abaabulka iyo midnimada muujiyey, kuna dhiirraday inay daadkan iyo khatartan u badheedhaan, runtiina waad ku mahadsan tihiin inaad waajibkiina garataan.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Waftiga ayaa markii dambe socdaalkooda ku ekeeyey degmada xarunta u ah deegaanadaas ee Faro-weyne, waxana ay halkaas kala kulmeen soo dhaweyn ballaadhan oo aanay shacabku u kala hadhin iyo waliba hadhimo-sharafeed si hufan loo agaasimay oo lagu maamuusay waftiga.

Intii ay waftigu marayeen deegaanada hoos yimaadda demada faro-weyne waxa ay la kulmayeen soo dhaweyn baaxad leh iyo farxad aan loo kala hadhin oo ay shacabku u muujiyeen, waxana dhammaanba dadka afka deegaanka ku hadlayey ee halkaas ka hadlay si isku mid ah u caddeeyeen inay codadkooda iyo cududoodaba u hibayn doonaan xisbiga KULMIYE.