Boobe1
“Waa ninkii oo caddaaday oo caloolaystay oo quraarad cadar ah ku fara-xasha oo biyo iyo saabuun ay beri hore kala dhaqaaqeen…”
Hargeysa (ANN)Xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa ku dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in  xilalka dawladda laga qadiyey kaadariintii SNM ee u soo halgamay dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo kaadariintii xisbul-xaakimka KULMIYE xilligii uu mucaaridka ahaa.

Warsaxaafadeed Xoghayaha Warfaafinta ee WADDANI Mr. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) soo saaray shalay, ayaa lagu dhaliilay qaabka loo dhisay Madaarka Hargeysa iyo sidoo kale shaqayn la’aanta garoonka Berbera, iyadoo war-saxaafadeedku u muuqdo mid jawaab u ah hadal xubno wasiirro ah ka jeediyeen xaflad lagu soo bandhigay buug laga qoray taariikhda Madaxweynaha Somaliland.
“Weli waa ay hadlayaan. 9kii bishan Diisambar, 2015ka, ayaa xaflad lagu qabtay Hudheelka Green Plaza. Xafladdaas waxa lagu soo bandhigay buug baadi-sooc looga dhigay Rejadii Rumowday oo lagaga hadlayey guulihii nololeed ee mudane Siilaanyo. Waxba ku tiigaali maayo oo dhallinyarada qoraalka u amba-baxday niyad-jebin maayo, saaxiibkay Mujaahid Axmed-na wax togan iyo wax taban wixii uu ka tegay taariikhda ayaa qori doonta. Annaguna waxaannu ka mid nahay kuwa wax ka qori doona ee weliba xogogaalka ah. Habeenkaas, qaar aan halgankii hubeysnaa dab u hurin, mucaaradnimadii Kulmiyena aan meeris u tolin oo ah intii timi saacadihii reebbanaa iyo xilliyadii wax-saareenka ayaa laga fadhiyi la’aa. Talo-xumadooda iyo tamar-darraantooda, Madaarka Berbera oo shaqaynaya oo dal iyo dadba la mahadiyay ayey xukuumaddu tidhi shan milyan oo doollar ayaannu gelinnay. Sidii ayuu ku xidhmay seyladdana ku jooga sida halbowlayaal dhaqaale oo kale. La-ye madaarka Hargeysa-na toban milyan oo doollar ayaa galay. Hadda madaarka Jigjiga ee Wiil-waal oo lacag ka yari gashay ayaa si walba uga dheg iyo dhaqaaleba roon. Haddii aanay taasi jirin, ciddii dhaqaalahaas maamulaysay ummadda ha ka qaan-baxdo.
Daartii ku soo noqo Wasaaradda Duulista xarunta u ahaan jirtay ee kibirka iyo is-yeelyeelka loo iibiyay. Ninkii iibsaday wuxu ka macaashay magaalo dhan oo ganacsi oo intaas oo albaab ka furan tahay. Sidaas ayay weliba ugu hadhay in uu intaas oo fooq sii saaraa. Xukuumaddu waxay ka macaashtay daar quraarad ah oo aan weliba muraayad ahayn oo madaarka ku taal. Muraayadda iyo quraaraddu waa ay kala qiimo badan yihiin. Saddexankaasiba waa taallooyin u taagan hal-abuur-la’aanta iyo dhugmo-la’aanta xukuumadda tookha iyo faanka meel walba la taagan.
Wax la yidhi beryihii nidaamkii millateriga ahaa dalka ka talinayay, ayaa nin la yidhaa Dhegoolka loo soo beddelay Kastamka Lowyacaddo. Kii oo aad yaabto diifta iyo daranyada korkiisa ka muuqata ayuu yimi Lowyacaddo. Dhowr bilood markii uu joogay ayuu dhogor-gooyay. Boorama ayuu dalxiis ku yimid. Waxa lagu murmay in uu Dhegoolkii yahay iyo in kale. Waa ninkii oo caddaaday oo caloolaystay oo quraarad cadar ah ku faro-xasha oo biyo iyo saabuun ay beri hore kala dhaqaaqeen. Waxa lagu murmay waa Dhegoolkii iyo ma aha. Mufakarkeennii Cawaale Caynaan Diiddan ayaa soo dhex joogsaday dadkii oo yidhi: “….Waa isagii oo Qarjam-qarjamta ayuu ku badhaadhay.”
Kaadirkii SNM ee soo halgamay iyo kaadirkii KULMIYE ee mucaaradka ahaa intuba waa ku teel-teel xukuumaddan aan la mahadin. Daliilkeedu wuxu yahay: Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UDUB rasaysan tahay.
Dacar miyaannu odhan: “Hadday ri’i dub leedahay, dabaday ku qarin layd, dadna barasho uma hadhin,” ayuu lagu yidhi warsaxaafadeedka WADDANI. oo uu ku saxeexnaa Boobe Yuusuf Ducaale.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380