Araweelo News Network

“Walaalayaal Waddankan Isbedel Ayaanu La Dooneynaa Cirro Iyo Muuse Way Madhan Yihiin, Xalka Iyo Xulkuba Somaliland  Waa Aniga Iyo Prof Abyan Weeye” Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID

UCID Hargeysa

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka UCID, ayaa maalintiisii 7aad ee ugu dambeysay ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee dalka ka qabsoomi doonta waxa uu isku soo baxyadii ugu balaadhnaa oo Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID ka mid ahi iskugu soo baxeen Barxaddaha kala dwuan ee magaalooyinka iyo Degmooyinka Somaliland iyaga oo cududooda taageero u muujiyey Xisbiga UCID.

guddoomiyaha UCID iyo masuuliyiin kale

Xisbiga Mucaaridka ee UCID oo maanta ay u ahayd maalintiisii 7aad ee u dambeysay ololihiisa Kaambeynka doorashadda Madaxtooyadda ee dalka ka socda mudada 19-ka maalmood, ayaa isku soo baxyadii ugu balaadhnaa iyo cududisii taageero ku soo bandhigay guud ahaan goboladda iyo degmooyinka kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana Fagaarayaasha Beerta Xoriyadda ee dhamaan goboladda Maroodi Jeex, , Awdal, Sool, Sanaag, Saaxil, Togdheer iyo guud ahaan  degmooyinka dalka halkaasi Khudbado uga jeediyey xubnaha  Madaxda ugu sareeya ee  Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID oo lulaaya Astaanta Dooga ah Calanka UCID iyo Sawiradda Murashaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee Xisbiga UCID , waxaana madaxda kala duwan ee Taageerayaasha fagaarayaasha kala hadlay fariimo adag oo codkooda inay UCID dadku siiyaan ahna u kala diray Murashaxiinta Madaxtooyadda iyo  Madaxda kala duwan ee hogaanka Xisbigaasi oo ay ka mid yihiin,  Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Xuseen , Murashax ku xigeenka UCID  Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan), Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID  Cabdinaasir Maxamed Xasan (Buuni), Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga UCID Md. Cabdirashiid Xasan Maxamed (Basbaas), Guddoomiyaha Ololaha Kaambeynka heer qaran ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Garya. Ismaaciil Cabdi Daahir , Xoghaye ku xigeenka Guud Cabdinaasir Yuusuf Xasan (Qodax)  Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex e Xisbiga UCID Maxamed Aadan, Xoghayayaasha heer qaran ee Xisbiga, Guddoomiyayasha Goboladda ee Xisbiga UCID , Garabyadda heer qaran ee Haweenka iyo Dhalinyarta Xisbiga UCID iyo madax kale oo tiro badan.

UCID Hargeysa

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Garya. Ismaaciil Cabdi Daahir oo ugu horeyn  Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID  ee maalintii 7aad ee ololaha doorashadda Beerta Xoriyadda Caasimadda Hargeysa kala qaybgalay isaga iyo Murashaxa Madaxweynaha ee UCID waxa hadalkiisii ka mid ahaa  “Walaalayaal waxaan idiin sheegayaa Bulshadda reer Somalilandnoow isbedel dhab ah, isbedelka dhabta ahina wuxu ku jiraa Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, muwaadiniinta Somaliland waxaanu u sheegaynaa inay codkooda siiyaan UCID”

UCID Hargeysa

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo khudbad u jeedinaayey Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID oo Beerta Xoriyadda Hargeysa soo buux dhaafiyey waxa uu yidhi “Inshaalaahu tacaala maalinta doorashadda ee codbixinta ee 13-ka Bishan, Hargeysa in aanu Cirro lahayn ee uu Faysal Cali Waraabe leeyahay ayaad muujiseen walaalayaal, waxaad muujiseen in Cabdiraxmaan Cirro ku yahay  marti magaaladda Hargeysa, Kaambeynkiisa iyo ka Muuse Biixi-na waa been abuur waa been been way madhan yihiin waxay wadaan 100 qof ee Somaliland baabi’iyey ee ilaa iyo 1993-kii wasiiradda isku noq noqonaayey ee wax aliyaa la waxay qabteen aanay jirin ee maanta umadda Somaliland Biyo la’aan , tacliin la’aan , caafimaad la’aan, wado la’aan iyo qashinka ka buuxa magaalooyinka dalka waa nimankii horseeday miyaad soo celinaysaan nimankaasi oo isbedbedelaaya, anigu walaalayaal anigu wax kale idiin ma hayo ee Caddaalad ayaan idiin hayaa oo waa Kitaabka Illaahay iyo iyo Sunihii Nebi Muxamed (CSW)  ALLAAHU AGBAR, ALLAAHU AGBAR, ALAAHU AGBAR, reer Somalilandneey kaas ayaad kaga baxaysaan qabyaaladda, kaas ayaad kaga baxaysaan Musuq-Maasuqa, kaasi ayaad kaga baxaysaan, kaasi ayaad kaga baxaysaan Sicir bararka, kaasi ayaad kaga baxaysaan Eexda , kaasi ayaad kaga baxaysaan Biyo la’aanta , , kaasi ayaad kaga baxaysaan Ictiraaf la’aanta  reer Somaliland-noow Kitaabka ma qaadanaa, waa Xujo Illaahay Xujo Illaahay qofkii ka footeeya”

UCID Hargeysa

Eng. Faysal waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu eedeymo ku karbaashay Murashaxiinta dhigiisa ee Xisbiyadda Waddani iyo Kulmiye waxaanu yidhi “Waddankan Isbedel ayaanu ku sameynaynaa walaalayaal Muuse Biixi ma wixii Siillaanyo wax ka badan ayuu keeni karaa, ma wixii uu dalka u qabtay Siillaanyo wax ka bafan ayuu keeni karaa , waxaan idiin sheegayaa saddexdayada murashax horta mid isaga inaga daaya (Cabdiraxmaan Cirro) Somali weyn ayaa soo dirsatay oo waa lagu shaqaysanayaa ee inaga daaya kaasi waa shisheeye walaalayaal, Muuse ayaa soo hadhay runta ayaan idiin sheegayaa raga Qabyaaladda ku taageeraya Muuse, waar Muuse layskuma raacsana oo Somaliland Beelo ayaan ogoleyn ma dagaal sokeeye ayaad sameynaysaan walaalayaal, ma in aad mar dambe qaxdaan ayaad dooneysaan walaalayaal, xalka iyo xulkuba Somaliland  waa aniga iyo Prof Abyan weeye”

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Hooyo Da’a ah oo aan socon karayn salaamaya Hargeysa 8 Nov 2017.

UCID Hargeysa

Guddoomiye Faysal waxa uu si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay maamul goboleedka Butland ee Somalia oo sheegay in aanay doorashadda Somaliland ka qabsoomi Karin Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waxaanu yidhi “Walaalayaal anagu waad og tihiin oo nabada ayaanu jecelahay walaalayaal, Somali inta ay burburka ku jirtay waxba maynaan yeelin iyaga ayaa is dilaayey, maantana reerka meesha Garoowe degan ee Putland-ta sheegta waxay la degi wayday Somalia iyaga weeye inagiina hada ayey inoo soo dhigteen, shacbiga waxa leeyahay deegaanka Putland degan waar siyaasiyiintiina iska hadaaqaysa yaanay fidno idiinkeenin ayaan idin leeyahay anagu walaalayaal nabada ayaanu jecelahay oo derisnimo ayaanu jecelahay Somaalaanu jecelahay oo dantayada ayaanu ka shaqaysaneynaa Xasuuq ayaad na geysiiseen waa idin saamaxnay dawlad ayeynu hayn oo dawladdiina meesha ayey ka tagtay Somali colaad uma hayno”

UCID Hargeysa

Murashax ku xigeenka UCID  Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Ololaha Kaambeynka heer qaran ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale iyo masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo Saraakiil sare oo Xisbiga UCID ka tirsani waxay  maalintii 7aad ee u dambeysay ololaha doorashadda madaxtooyadda kala qaybgaleen Bulshadda magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo waxaana hadalki murashax ku xigeenka ka mid ahaa “Waad aragtaan ololaha doorashadda madaxtooyadda marka la sameynaayo labadan xisbi ee Waddani iyo Kulmiye waxa meesha yaacaya, waa wasiiro hada jooga iyo wasiiradii hore oo Suudhadh qaaliya wata oo Buurbuuran weeyaan soo maaha oo xoolihii danyarta ku naaxay, laakiin anaga Xisbiga UCID dadkayagu waa idinka weeyaan, waa danyarta, waa haweenka, waa Hablaha, waa Wiilasha , waa dadka sida caddaalad darada ah loo haybsooco , waa dadka la ilaaway ee lagu tuntay xaquuqdoodu anagu dadkaasi ayaanu ka dooneynaa codkooda iyo inay Isbedelka Xisbiga UCID wado ka gacan siiyaan oo codkooda ugu hiiliyaan, laakiin Isbedelka ay sheeganayaan Kulmiye iyo Waddani waa isbedel beena weeyaan , ma waxay shalay bedeli waayeen ayey barito ina leeyihiin waa bedelaynaa, yey khaldayaan miyey naga caqli badan yihiin kama yeelayno oo kelmada Isbedel labadaasi xisbi xaq u ma leh kelmadda Isbedel xisbiga UCID ayaa xaq u leh, xisbiga UCID waa xisbi nadiif ah, waa xisbi aan musuq maasuq iyo eex lahayn siyaasadda UCID, marka bulshadda reer Ceerigaabo waxaanu ka codsaneyna oo faraynaa inay maalinta doorashadda ee 13 bishan marka la gaadho codkooda ugu hiiliyaan xisbiga  Caddaaladda iyo Daryeelka UCID”

UCID Hargeysa

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID  Cabdinaasir Maxamed Xasan (Buuni), ayaa isaga iyo wefti uu hogaaminaayo murashax Faysal Cali Waraabe oo markii uu beerta xoriyadda ee Hargeysa Khudbada ka jeediyey deg deg u gaadhay isla shalay magaalada Boorame   waxay khudbado u jeediyeen isla markaana soo dhaweeyeen taageerayaal UCID ku soo biiray iyaga xarumaha xafiisyadda Boorame ee xisbigana kula hadlay taageerayaasha UCID waxaana murashax Faysal iyo guddoomiye Buuni   ay bulshadda reer Awdal halkaasi fariin uga direen in dalka Somaliland badbaadadiisa, caddaaladiisa iyo midnimadiisu ku xidhan tahay iyada oo ay bulshaddu doortaan Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID oo maalinta doorashadda 13 bishan marka la gaadho ay ugu hiiliyaan codkooda.

UCID Hargeysa

Dhinaca kale Guddoomiyaha UCID ee Gobolka Togdheer Sacad Cabdi Boos iyo Masuuliyiinta kale ee Xisbigaasi u qaabilsan Togdheer,  ayaa maalintii 7aad ee ololaha doorashadda Xisbiga UCID ugu dambeysay, waxay ku soo afmeereen qaab cusub oo ay u sameeyeen debaal dega ololaha xisbigooda  waxaana guddoomiye Boos hadalkiisa ka mid ahaa “Maanta waa wareegii 7aad waa maalintii noogu dambeysay hadii aanu nahay xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID ololaha doorashadda Somaliland ee dalka ka socda , saaka xisbiga UCID waxa uu u qaybiyey maalintiisa u dambeysay ololaha doorashadda dhawr Waji waxaanu marka 1aad ka dhignay Barnaamijkii Xisbiga UCID ee Siyaasadda waxqabadkiisa xisbigu uu bulshadda ugu sharaxaayey waxaanu geynay Suuqyadda, meelaha dadku iskugu yimaadaan, xafiisyadda xisbigu Gobolka Togdheer ku leeyahay iyo in aanu sameynay hawlgal al-baab ilaa al-baab aanu u garaacnay magaaladda Burco, talaabada 2aad ee aanu sameynay waxa weeye wacyi-gelin siyaasadda xisbiga ah in aanu dhulka Miyiga ah ka sameynay, , waxa talaabada 3aad aanu dhulka Miyiga ah ka sameynay Barnaamijkii Saddaqada ahaa ee aanu hore ololahayaga dalka ku bedelay”

Ugu dambeyntii Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Xisbiga UCID, ayaa isku soo baxyadda maalintii 7aad ay  taageerayaasha Xisbiga UCID  iskugu soo baxeen magaalooyinka Berbera, Bali-gubadle, Ceel-Afweyn, Sallaxley, Widh-Widh iyo guud ahaan inta badan deegaanadda kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland khudbado uga jeediyey taageerayaashaasi waxaanay madaxda xisbigu ugu baaqeen inay codkooda maalinta doorashadda la gaadho 13 Bishan inay Xisbiga UCID ee isbedelka iyo caddaaladda siyaasadiisu tahay ugu hiiliyaan codkooda  bulshadda Somaliland.