Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka UCID oo maalintii 3aad ee ololaha doorashadda ay shalay ahayd, ayaa waji cusub u bedelay Kaambeynka doorashada, waxaanu Xisbiga UCID Ku qaybiyey dhamaan Magaalooyinka goboladda Somaliland deeq Xoolo nool ah oo qaybiyey Maxaabiista Jeelasha ku jirta, dadka Bukaanka ah ee Cusbitaaladda Magaalooyinka ku jira, Barakacayaasha ku jira Kaamamka Qaxoontiga ee magaalooyinka Somaliland.

Xisbiga Mucaaridka ee UCID, ayaa  Maanta oo ay ku beegneyd bilawga wajigii 3aad iyo maalintii 3aad ee Olalaha Kaambeynka doorashadda ay u lahaayeen Xisbiga UCID ay ku bedeleen arin ka duwan wajigii hore uu ugu socday Kaambeynka doorashaddo iyada oo Murashaxiinta Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan),   Masuuliyiinta hogaanka Sare,  Madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Xisbiga UCID ay shalay  guud ahaan goboladda dalka ku qaybiyeen Xoolo Deeq ah oo dadka Jilicsan loo qaybiyey , waxaana Deegaanadda hoos yimaada Goboladda Maroodi Jeex, Togdheer, Awdal. Ceerigabo, Saaxil. Sool, Hawd, Gabiley iyo meelo badan oo deegaanadda Somaliland ah oo madaxda Xisbiga UCID ay ku qaybiyeen Xoolo loogu talo dadka Cusbitaaladda Ku jira, kuwa Jeelasha ku jira iyo kuwa Jilicsan ee danyarta iyo waliba Barakacayaasha Xerooyinka Qaxoontiyadda ee magaalooyinka dalka ku sugan, ayaa xoolahaasi loo qaybiyey.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga UCID Md. Cabdirashiid Xasan Maxamed (Basbaas), Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Aadan iyo Xoghayaha Xidhiidhka Goboladda iyo Degmooyinka ee UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf oo ugu horeyn  iyagu Deeq Xisbiga UCID ugu talo galay dadka Danyarta eek u dhaqan Gobolka Maroodi Jeex ku wareejiyey Xaafadda Barakaca ee Digaale iyo Dadka ku jira Cusbitaalka weyn ee qaybta Dhimbirka waxa hadaladoodii ka mid ahaa “Waxaanu xoolo deeq ah oo Xisbiga UCID ugu talo galay ku wareejinay dadka ku jira Cusbitaalka Dhimbirka ee Cusbitaalka weyn ee magaaladda Hargeysa waanan u soo ducaynay, waxaanu kale oo Xoolaha ku wareejinay dadka Xanuunsanaaya kuwa danyarta ah , qaar curyaamiin ah kuwo Cusbitaaladda jiifa , halkan aanu imika joognaana waa Xaafadda Digaale ee ay ku dhaqan yihiin dadka Barakacayaasha ama Qaxoontiga ee danyarta ku nool Koonfurta duleedka Hargeysa, marka umadda reer Somaliland waxaan u sheegaynaa anagu Kaambeynkayagii waxaanu ka dooranay oo Madaxweynaha Mustaqbalku Eng. Faysal uu iclaamiyey in aanu maalintayadii Kaambeynka idinla wadaagno, hadalka, Quucinta iyo Saddaqadda ayaanu go’aansanay , ninku marku hogaaminta umaddiisa doonaayo calaamadaha lagu garto wax aka mida in uu dhibta iyo duruufaha bulshadiisa ku xeeran og yahay waana tan maanta Faysal shacabkiisa reer Somaliland uu u muujiyey ee uu ku quudinaayo kuwii, Cusbitaaladda, Jeelasha iyo Barakacayaasha ahaa ama ku jiray”

Murrashax Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo ugu horeyn bulshadda ku dhaqan Magaaladda Baligubaddle ee gobolka Hawd waxa uu yidhi “Waa maalin aniga ii Taariikhi ah, waa markii u horaysay ee aan Bali-gubaddle imaado mudo badan ayaan ku taamayey in aan imaado Baligubaddle oo bulshadda halkan ku dhaqan aan wakhti la qaato, runtii Bali-gubaddle waxay ii la mid tahay magaaladda Laascaanood waayo halkani waa meeshii aan ka soo jeeday, reer Bali-gubaddloow hadii aad moodaysaan in aydaan murashax lahayn waan idiin sheegayaa murashax ayaad leedihiin idinka iyo Laascaanood (Ehel ahaan) waa ii simin tihiin murashaxnimadayda, maanta awoowayaal maanta waxaanu idinka dooneynaa codkiina wixii balanqaad iyo wax qabad ahna xisbi ahaan waan idiin diyaarinay oo waa idiin qaban doono Ishaalaah ee noona duceeya awoowayaal waa idin soo booqday codna waa idinka doonayaan hadii ad tihiin bulshada ku dhaqan gobolka Hawd”

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe saguna Boqol bulshadda ku dhaqan magaaladda Bali-Gubaddle ah fagaare kala hadlaayey waxa uu yidhi “Magaaladda Bali-gubaddle taariikh dheer ayey leedahay , waa magaaladii markii taliskii Somalia ee Maxamed Siyaad Barre Hargeysa inaga saaray ee aynu la dagaalamaynay ee iska xoreynaynay Bali-gubaddle waa halkii wakhtigaasi inoo xarunta ahayd anigu hore ayaan u idhi hadii aan anigu doorashadda ku soo baxo, lacagta Somaliland waxaan ku daabici doona  magaaladda Bali-gubaddle”

Weftiga uu hogaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisu, markii ay socdaal ku mareen Magaaladda Bali-gubadle ee gobolka Hawd iyo Tuulooyinka hoos yimaada, waxay sido kale u jarmaadeen oo socdaalkooda ku soo mareen deegaanadda dhinaca Xudduuda ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya, waxaana dhamaan bulshadda ku dhaqan degmooyinka iyo Tuulooyinka kala duwan ee Somaliland ee ku teedsan xudduuda khudbado kula hadlay Murashaxiinta iyo Madaxda kala duwan ee Xisbiga UCID

.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Cabdi  Xasan (Buuni)  oo isaga iyo Masuuliyiinta  Gobol Awdal ee Xisbiga UCID waxay  lacag dhan  $5,000 dollar (Shan Kun o Dollar)  ugu deeqeen Mustijaamaca weyn ee magaaladda Boorame in lagu dayac tiro waxaanu guddoomiye ku xigeenku yidhi “Waxaanu ugu talo galay maalintii ololaha doorashadda ee Xisbiga UCID aanu lahayn in aanu u bedelo maalin Khayri ah oo Bulshadda Baahan intii aanu wax gaadhsiin karo aanu u qaybino Xoolo loo qalo, hadii ay tahay dadka baahan, hadii ay tahay goobaha umaddu iskugu timaado ee lagu Cibaadaysto sida Masaajidada sida Mustijaamacan Boorame ee aanu maanta joogno oo ay na la joogaan Sheekii iyo Isku duwihii wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland iyo Sheekh Abubakar, waxaanu dooneynaa in aanu halkan ku wareejino maadama oo Masjidkan wakhti hore la dhisay gogosha taalana ad arkaysaan in laga bedelo oo Mustijaamaca Magaaladda Boorame Xisbiga UCID ugu deeqay in gogol Casri ah la dhigo oo Buushkeedii, waxa anaga oo Culimadda uga mahadcelinayna inay hore kharashkii masaajidka lagu dayactiraayey badh sii bixiyeen aanu Xisbiga UCID hadii aanu nahay maanta ugu deeqnay lacagta intii dhineyd oo $5,000 dollar (Shan Kun o Dollar)  ahayd waxaanu dooneyn in goobtan Masjidka ALLE bulshaddu ugu ducaysato ahaato mid dhameystiran oo wixii u baahna leh”

Iimaanka Mustijaamaca Weyn ee Boorame oo isaguna halka ka hadlay ayaa ka dareen celiyey lacagta ay Xisbiga UCID ugu deeqeen in lagu dayac tiro Masaajidkaasi waxaanu yidhi “Maanta waa maalin Jimce ah oo aad u khayr badan, wixii la la baxaana aad, marka waxa khayr sidan oo kale ayaa loo baahan yahay oo wixii loogu talo galay ololaha doorashadda oo loo weeciyey oo masaajid iyo Khayr loo weeciyey wax weyn oo khayr ku jiro ayey noqonaysaa Xisbiga UCID ee Masjidkan $5,000 dollar ugu deeqay wax weyn ayey xaga Illaahay iyo xaga umaddaba uga  tahay waanan u duceynaynaa madaxda iyo murashax xisbiga UCID”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee magaaladda Ceerigaabo Saddaam Ibraahim Cigge iyo Saraakiisha kale ee Xisbiga UCID u qaabilsan Gobolka Sanaag oo iyaguna dhankooda Xoolo Deeq ah oo Xisbiga UCID ugu talo galay dadka jilicsan deegaankaasi ku dhaqan isaga oo ka hadlaayey Xoolaha ay u qaybiyeen  Jeelka weyn, Xarunta Agoomaha iyo Cusbitaalka weyn ee Ceerigaabo waxaanu yidhi “Maanta waa maalin Jimce ah, waa maalin cibaado ah, waxaanu ugu talo galay hadii aanu nahay masuuliyiinta Xisbiga UCID in aanu manta dadka Masaakiinta ee Jeelaha iyo Cusbitaalada iyo agoomaha in aanu maanta u gargaarno oo maanta waa maalin Jimce ah waa maalintii Xisbiga UCID aanu u lahayn ololaha doorashadda cid ololaysay xisbi ahaan habayaraate ma jirto ololihii la ololeynlahaa UCID ahaan ma jirto, hadii aanu Xisbiga UCID nahay waxaanu goosanay in Masaakiinta reer Somaliland iyo dadka Baahan ee dalka ku gaajaysan la quudiyo oo wax la siiyo intii aanu macno daro ololaha doorashdda kharash ugu bixin lahayn ayaanu tan goosanay”

Taliye ku xigeenka Xabsiga dhexe ee Magaaladda Ceerigaabo, Maamulaha Cisbigaalka guud ee Ceerigaabo iyo guddoomiyaha Xarunta Agoomaha Cismaan Binu Carfaan ee Ceerigaabo oo dhamaantooda ka mid ahaa meelaha uu Xisbiga UCID ku wareejiyey Xoolaha loogu deeqay dadka Jilicsan ama baahan, ayaa dhamaantood waxay arin dhaqankii Xisbiyadda Somaliland lagu yaqaanay bedeshay oo dariiq ku dayasho mudan ku tilmaameen in Xisbiga UCID ololihii doorashadda maalintii uu xaqa u lahaa uu Xoola Sadaqo ah oo Bulshadda baahan ee goboladda Somaliland ku kala sugan gaar ahaan Jeelasha, Cusbitaaladda Dhimbirka iyo Bukaan Jiifta iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin Kaamamka ay ku jiraan dadka Qaxoontiga ee Barakayaasha ah, ayaa looga mahadceliyey Xisbiga UCID in uu xoolo saddaqo ah gaadhsiiyey.

Maamulka Gobolka Sool ee Xisbiga Mucaaridka UCID iyo Saraakiisha kale ee Xisbigaasi gobolka Sool  halkaasi u jooga oo salay iyaguna u qaybiyey Xoolo nool oo loogu talo galay Maxaabiista iyo dadka Xanuunsanaaya ee ku jira Cusbitaalka guud ee  Laascaanood  iyo waliba Xoolo ay ku wareejiyeen dadka aadka u jilicsan ee Deegaanadda Gobolka Sool ay Abaaruhu ku caydheeyeen waxaana Xoolahaasi u qaybiyey masuuliyiinta UCID ee magaaladda Laascaanood ku sugan  waxaana hadalkoodii ka mid ahaa”Anaga oo ah Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID ee gobolka Sool maanta waxay ahayd maalintii Saddexaad ee ololaha Kaambeynka uu u lahaa Xisbiga UCID, waad ogaydeen oo waxa uu sheegay habeen hore Murashaxa ahna Guddoomiyaha Xisbiga Eng. Faysal Cali Xuseen in maalinka Jimcaha oo aanu ku beeganahay maalintayadii ololaha doorashadda in aanu maalintaasi dadka danyarta ee reer Somaliland ugu bedelayno Kaambeynkii wax wax tar u leh, marka iyada oo guud ahaan gobolada dalka aanu dadka danyarta ah iyo Jeelasha u qaybinay Deeq Xoolo ah, waxaanu halkan maanta ku wareejinaynaa Xoolihii aanu ugu deeqnay dadka ku jira Jeelka Laascaanood iyo dadka xanuunsanaaya ee Cusbitaaladda Tiibayda iyo Dhimbirka iyo dadka Barakacayaasha ee Abaarta ku waxyeeloobay”

Ugu dambeyntii talaabadan Xoolaha nool ee deeqda ah uu Xisbiga UCID u qaybinaayo dadka jilicsan, danyarta iyo Maxaabiista Jeelasha dalka ku jira oo bulshaddu si weyn u soo dhaweysay, waxa iyaguna  Madaxda Xisbiga Mucaaridka ee UCID u qaabilsan Goboladda Togdheer, Berbera iyo Degaano ayaa iyaguna Deeqda xoolaha ah ee Xisbigaasi ugu talo galay dadka Jilicsan, ay u qaybiyeen xoolahaasi, waxaanay masuuliyiinta UCID  sheegeen inay maalintii 3aad ee ololaha Doorashadda ay UCID lahayd ugu bedeleen maalin ay xisbigoodu u kuurgalayaan nolosha dadka danyarta ah iyo kuwa xanuunsanaaya oo ay Xoolo Jeelasha, Cusbitaaladda iyo Kaamamka ay qoysaska barakacayaashu ku jiraan u qaybinayaan.