UCIDHargeysa(ANN) Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa ku dhawaaqay in si badheedh ah dib loogu riday qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada ee qorshuhu ahaa in la qabto dabayaaqada bisha June ee sannadkan.
Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in xubno ku dhaw dhaw Madaxweyne Siilaanyo oo ka kala tirsan xukuumadda iyo golayaasha Baarlamanku ay si ula-kac ah uga shaqeeyeen in aanay qabsoomin doorashooyinku, isagoo su’aal geliyey fulinta waqti kale oo loo cayimo qabsoomidda doorashada.
Guddoomiye Cali Guray oo arrintan ka sheegay waraysi uu siiyey telefishanka lagu magcaabo Star, waxa uu yidhi, “Waxa innagu soo fool leh khilaaf siyaasi ah oo runtii aad halis u leh, waayo doorashooyinkii dhici lahaa 26-ka June ee sannadkan wax la wadaba, tuur iyo tarbiico ayaa la isu yeelay, geed dheer iyo mid gaaban baa la isugu taagay in aanay qabsoomin, waxaanay bilaabantay maalintii Madaxweynuhu yidhi aniga muddadayda maalin la iigu darimaayo, waxaanna nasiib-darro ah ita doorashooyinkaasi fashilisay inay tahay inta isaga (Madaxweyne Siilaanyo) ku xeeran, hadday wasiirro yihiin iyo hadday xildhibaanno yihiinba.
“Muddo kale oo ilaa hadda la cayimay ma jirto, su’aasha ugu adage e meesha taalaana waxay tahay, doorashooyinkaas sida ukaska iyo ula-kaca ah loo baabiiyey inay qabsoomaan haddii xaaladda xukuumaddan iyo Wakiilladu sidan sii ahaadaan, Madaxweynuhu uu noqdo mid aan isagu waxba hoggaamin ee koox gacanta ugu jira xataa muddada dambe ee la qabtaa (qabashada doorashada) wax macno ah inay yeelanayso uma qabo.”
Waxa kaloo uu xusay inuu isagu si toos ah warqad ugu qoray Madaxweyne Siilaanyo, taas oo uu kaga hadlayo xaaladda dalku jiro iyo tallooyin uu ka siinayo sida lagaga bixi karo, “Sidaa darteed, iminka ka warrami maayo ee anigu waxaan diyaariyey warqad furan oo toos ugu socota Madaxweyne Siilaanyo oo aan xaaladdan iyo talooyinka lagaga baxayaba anigoo shakhsi ah u qoray, anigoo huba oo og in aannu Axmed ahayn nin talo ka qaadanaya ummadda uu madaxweynaha u yahay ee saddexda milyan ah ee uu laba dumar ah iyo laba wiil uun ka qaadanayo talada, afartaasina yihiin kuwa meeshaba rogay,” ayuu yidhi Cali Guray.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com