Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa dhaliilo u jeediyay Hoggaaminta Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ka hadlay Siyaasada arrimaha Dibedda iyo arrimaha gudaha oo ay sheegeen inay yihiin kuwo tusaale loo soo qaadankaro.

Sidoo kale, waxay sheegeen  inuu natiijo la’aan ku dambeeyey Safarkii Madaxweynaha Somaliland ku tegay dalka galbeedka Afrika ee  Guinea Conakry, horaantii July, iyagoo ku dooday in waxyaabihii  Madaxweynuhu sheegay aanay waxba ka hirgelin, waxa kale Xisbiga WADDANi, ka hadlay Markabka xoolaha ka qaaday Berbera oo toddobaad iyo dheeraad ku xanniban Sucuudiga, kaas oo xiisad kusii kiciyay khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Shir Jaraa’id oo uu Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani maanta ku qabtay Hargeysa, wuxuu kaga hadlay arrimahaa iyo weliba  dagaalka deegaanka Ceel-Afweyn oo uu sheegay inay xisbi ahaan ku dhaliilayaan xukuumadda Madaxweyne Muuse  Biixi  in aanay ka hadlin dhacdadii ugu danbaysay ee colaadaa.

 “Madaxweynaha in lasoo dhoweeyo oo la yidhaahdo safar wanaagsan ayuu ahaa wax dhib ahi kuma jiraan, Laakiin waxa isweydiintu tahay  waxyaabihii uu inoo sheegay inay ka dhalanayaan ee ahaa arrinkeena waxa la geynayaa  AU,  way Shireen AU, arrinkeeniina lama geyn, maxayse muhiim u tahay in arrinteena la geeyo AU,  2005, xilligii Dawladdii Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale ayaa arrinteena la geeyay AU, warbixin 6 bogg ka kooban ayay  oo fiican ayay inaga soo saareen, Madaxweynuhu waa dadkii Madaxweyne Rayaale ku dhaliili jiray in aanu waxba qaban, markaa maxay macno samaynaysaa halkii dawladda Rayaale 2005, taagnayd haddii Madaxweyne Muuse Biixi taaganyahay 2019. Markaan eego siyaasada arrimaha dibedda ee KULMIYE iyo habdhaqankiisa waxaan kala saari waayay laba arrimood, inay hanyar-yihiin iyo inay tanyar- yihiin oo rooggaa la dhigay ay ku qanceen  ” Ayuu yidhi, Xoghayaha  Xisbiga WADDANi.

Waxa kale oo uu Xoghayaha Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen, ayaa ka hadlay sida ay isugu xidhan yihiin siyaasada arrimaha Dibedda iyo siyaasada arrimaha guadaha, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi, “Siyaasadeena arrimaha gudaha ayaa laga daalacanayaa siyaasada arrimaha dibedda, labadii sannadood ee u danbeeyay wax aka dhacay dalkeena intaa oo dagaal oo dhinacyo u dhexeeya, wasiirkii arrimaha gudaha ee arrintaa oo soo noq-noqotay xalain waayay, waxa wax laga xishoodo ah inuu Madaxweynaha saaxiibkii yahay,  kuwii  hore way ka hadli jireen ee kan xataa may tacsiyadayn dadkii ku dhintay, marar baddan ayaanu usoo jeedinay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin inuu is casilo, sababtoo ah xilkaasi waa xil ku culus oo aanay ka muuqan inuu leeyahay kartideedii iyo farsamadeedii.’ Ayuu yidhi, Xoghayaha WADDANI.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay inay ku dhaliilayaan Xisbi ahaan qaabka ay u dhaqmayso xukuumaddu, isagoo yidhi, “ waxa loo baahanyahay inay waxaynu sheeganayno iyo mawqifkeena soo bandhigno ee maaha in marna aynu nidhaahno inaynu wadahadaladii diyaar u nahay, marna aynu nidhaando waanu diidnay, waynu ogayn shirkii dhowaan ee Nairobi, waxa muuqatay in siyaasadii arrimaha Dibedda NGO, loo gacangeliyay  si loogu naas-nuujiyo oo dhaqaale loogu sameeyo,  waxa markaa loo baahanyahay in xukuumaddu la timaado qorshe cad oo ay ku hogto shacabkeeda.” Ayuu yidhi, Xoghayaha WADDANI, Khadar Xuseen.

Xogahaya, ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Xoolaha ee xilligan taagan iyo maamulka Hawada ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya dhowaan la wareegtay, wuxuu ku dhaliilay xukuumadda arrimahaa oo uu sheegay in markii Hawada lala wareegayay ay  ku dhawaaqaysay “kuma dhacaan”, sidaa awgeed wuxuu sheegay in maadaama Xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka loo baahanayahay in xal loo helo si aanay arrintan usoo noqon haddii Markabkaa xoolaha laga rogay iyo haddii aan laga rogin.