Araweelo News Network

waddaniqaadhaanBurco (ANN) Xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa qaadhaan uu ugu talogalay taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen ku wareejiyey Badhasaabka Gobolka Togdheer ay wakiisheen guddida heer qaran ee abaaraha Somaliland.
Murrashaxa Madaxweynaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo oo degaannada bariga Somaliland ugu baxay xog-ogaal u noshada dhibaatooyinka abaaraha, ayaa kulan xog-waraysi ah oo ay magaalada Burco kula yeesheen Badhasaabka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) shalay, waxay ku wareejiyeen lacag dhan $20 kun dollar oo xisbigu kaga qaybqaadanayo gurmadka abaaraha kulul ee xilligan dalka ka jira.
“Markii aannu la xidhiidhnay ee xog-waraysanay guddida iyo maamulka gobolka si fiican bay noogu warrameen. Waxa kaloo aanu la xidhiidhnay guddidii abaaraha heer qaran ee Somaliland, waxayna soo wakiisheen Badhasaabka Gobolka Togdheer, deeq yar oo aannu sidnayna waxa aanu u nimmi aanu ku wareejinno Badhasaabka, deeqdaasna waxaannu ugu talo-galnay saddex gobol ee Togdheer, Sanaag iyo Sool, dhammaan gobollada ka farcamay gobolladdaasna waa ay ku hoos jiraan. Runtii annagu xisbi mucaarad ah baannu nahay oo kolley waxa aanu is-leenahay xagga dhaqaalaha xukuumadda kulama tartami karaysaan oo KULMIYE waxba ma bixiyo oo dawladda ayuun buu ka soo qaadaa, laakiin annaga taageerayaashayada ayaa soo ururiyey lacagtaas, waanuna u mahad-celinaynaa dhammaantood.
Deeqda aannu maanta wareejinaynaa waxa weeye $2,000 (laba kun oo doollar) oo kiish oo raashin ah iyo 100 (boqol) booyadood oo biyo ah. Rasiidhka lagu soo rarayo raashinka waa kaa iga guddoomay Badhasaabku. Waxa kaloo aanu biyaha ugu talo-galnay $20,000, labaatankaas kun ee doollar ee biyaha aannu ugu talogalnayna waxaannu ku wareejinnay iyadana Badhasaabka,” ayuu yidhi murrashaxa WADDANI.
Waxa uu intaas ku daray, “Waxa kaloo aannu doonaynaa inaannu saddex siyood uga qeyb-qaadanno gurmadka abaaraha; qeybta koowaad waa qeybtaa aan wareejiyey ee ah qeybta xisbiga WADDANI oo laga soo ururiyey dad khayr qaba oo halkan aynaan magacyadooda oo dhan ku sheegi karin oo taageerayaasha gobolka ah. Qaybta kale waxa weeye maamullada gobollada oo aannu u xilsaarnay iyaguna isu xilqaameen in ay taakuleyn kaga qeybqaataan abaaraha Somaliland, wixii ay iyaguna ururiyeen waxa aannu ku wareejinaynaa guddida gobalka oo ah deeq dhan 100 kiish oo raashin ah.”
“Marka hore waxa aannu u mahadcelinaynaa guddida abaaraha, maamulka iyo Guddoomiyaha Gobalka Togdheer, waxa aanu halkan u nimmi in aanu xog-oggaal u noqono xaaladda ba’an ee abaaraha gobalka oo aanu doonayno in aannu dareenkaas la qeybsanno shacabkayaga wixii taakulo ah ee tamar ah ee xisbigu awoodana ka geysto. Ujeeddada aannu halkan [Burco] u nimmi waa xaaladdaa ba’an ee abaarta ee ka taagan gobollada bari, gaar ahaan Gobolka Togdheer, Gobolka Sanaag iyo Gobalka Sool, markaa xisbi ahaan waxaannu go’aansannay in aannu xog-ogaal u noqonno, wixii taakulo ah ee taageerayaashiisu soo ururiyeenna kaga qeybqaadanno oo ku wareejinno Guddida Abaaraha heer qaran iyo guddiyada ka dhisan gobollada dalka.”
“Dhammaan taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibadba waxa aannu farnay in ay ka qeybqaataan qaadhaanka taakuleynta abaaraha, wixii qaadhaan ah ee iyaguna soo ururiyaan waxaanu iyadana ku wareejin doonnaa guddida abaaraha ee heer qaran. Ilaahay baa abaaraha innaga soo jebin kara, raxmaadkiisana inoo soo shubi kara, isaga ayaanuna ka baryeynaa in uu inoo soo gurmado, Ilaahoow noo soo gurmo, Ilaahow roob khayr qaba na sii, Ilaahayoow mid deg-deg ah na sii oo aan dad iyo duunya inta noo hadhay naga waxyeelayn,” ayuu yidhi Cirro.
Dhinaca kale, waxa uu erayo ammaan ah u jeediyey Badhasaabka Gobolka Togdheer, waxaannu yidhi; “Badhasaabka Gobolka Togdheer waxa ay reer Burco u bixiyeen Qabyo-tire, annaguna magacaas waannu la qaadanay. Oday Qabyo-tire (Badhasaabka) berigii hore saaxiib baanbu ahayn, isku xisbina waanbu ahayn intii aanbu KULMIYE galin. Runtii aniga oo aan hortiisa ka lahayn, gobolku aad bay u qiimeeyeen shaqadiisa, anna shaqadaas badan waan ku ogaa markaanu isku xisbiga ahayn, waanan u mahadnaqaynaa Badhasaabka Gobolka Togdheer.”
Guddoomiyaha Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), ayaa isna dhankiisa u mahadnaqay xisbiga WADDANI oo uu xusay inay u damqadeen muwaaddiniinta ay saamaynta ku yeelatay abaarta ka taagan degaannada bariga Somaliland.