Araweelo News Network

Uurcade

Hargeysa(ANN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in aannu xisbigoodu marna diidin in ardayda Jaamacadda Timacadde ee magaalada Gabilay laga qaybgeliyo hawlwadeennada Komishanku u qaadanayo hawlaha doorashada Madaxtooyada
Somaliland ee u muddaysan inay qabsoonto 13 November 2017.

Masuul ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa saxaafadda u sheegay in xisbiga WADDANI diiday in ardayda Jaamacadda Gabilay laga qaybgeliyo hawlaha doorashooyinka, balse Xoghayaha Guud ee xisbig WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo saxaafadda la hadlay, ayaa arrintaas beeniyey, isagoo xusay in KULMIYE doonayo inuu hadalo been ah cod kaga helayo bulshada reer Gabilay.

“Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu waxa ay cod ku raadinayaan inay war aan jirin bulshada u tebiyaan. Xisbiga WADDANI Gabilay waa magaaladiisii, Jaamacadda Gabilay-na waa jaamacadayadii oo marna annagu maannu odhan, odhana mayno, ummadana ma qabato, reer Gabilayna ma qabato, Somaliland-na ma qabato in aynu nidhaahno ardayda jaamacad dalka ka mid ah kama qaybgelayso arrinta doorashooyinka oo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ma qoran karo, taas annagu maanno odhan ee si ay iyagu (KULMIYE) ugu helaan cod waxa uu KULMIYE warbaahinta ku sii daayey maanta (shalay) in xisbiga WADDANI diidan yahay Jaamacadda Timacadde ee Gabilay, waxaasina waa hadal laga xishoodo oo maaha hadal dadka lagu yidhaahdo, hadal ay geyaana maaha, mana aha hadal uu xisbiga WADDANI gayo, aad ayaanan uga xunnahay oo waxa aannu leenahay Jaamacadda Gabilay waa Dugsigii Qalax oo waa hormuudka Somaliland, iyada iyo jaamacadaha kale ee dalkuba, mid walbana qadarin iyo ixtiraam ayaannu u haynaa, diyaarna waannu u nahay, waxaanan jecelnahay in Komishanka Doorashooyinka Qaranku uu tallaabo dedgeg ah ka qaado arrintaas uu xisbiga KULMIYE warbaahinta geliyey ee aanay waxba ka jirin,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI.
Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sidoo kale ka hadlay gobolnimada Gabilay, waxaannu yidhi; “Xisbiga KULMIYE muddo toddoba sanno ah ayuu dalka joogay, Golaha Wakiilladu way u qoreen in la sharciyeeyo gobolnimada Gabilay. Cidda hortaagan ma WADDANI-baa? Guddoomiye Cabdiraxmaan Guddoomiye ayuu ka ahaa Golaha Wakiillada markii loo qoray in la dhammaystiro gobolnimada Gabilay, iyaga iyo gobolladii kale ee la magacaabayba, cidda hortaagana waa KULMIYE ee waxa ay doonayaan inay maanta u qabtaan Gabilay maxay ugu qaban waayeen muddada toddobada sanno ah ee ay xilka hayeen? Gobolnimada Gabilay waxa ku jira dulmi dheer oo muddo dheer ayey sugaysay, cidda maanta dulmidayna waa cidda toddobada sanno dalkan xukumaysay, haddana doonaysa inay Gabilay cod kaga helaan war aan jirin oo ay WADDANI ka sheegaan.”
Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhawaynayaan saddex digreeto oo Madaxweyne Axmed Silaanyo ku mamnuucay in shaqaalaha dawladda iyo hantida qaranka loo adeegsado ololaha doorashada Madaxtooyada, isla markaana uu ku amray Taliyeyaasha Ciidammada inay la shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka.
“Nasiib-darro, Guddidii ololaha ee uu soo saaray xisbiga KULMIYE inay ku jiraan macallimiin, kaaliyeyaal, shaqaale dawladeed, maamulayaal, waxa kaloo ku jira Wasiirro iyo Maayirro, waana nasiib-darro xukuumadda iyo xisbigii wada socday oo aan haddana wada socon, waxaanan leenahay Komishanka Doorashooyinka Qaranku waa inuu arrintaas fuliyaa oo sidooda loo dhaqangeliyo wareegtooyinka uu soo saaray Madaxweynuhu, wixii intaas ka duwan waxa ay noqonaysaa in KULMIYE leeyahay doorasho ma doonayno, waxaannu leenahay nidaamka doorashada iyo shuruucda raaca oo ixtiraama Madaxweynihiina oo ah Madaxweynaha qaranka oo annaguna aannu ixtiraamayno, una hoggaansamayno wareegtooyinka uu soo saarayo,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.
Xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale farriin u diray dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya oo inta badan ku dooda inay Somaliland ku soo celinayaan midnimadii Soomaaliya.
“Waxa aannu idin leenahay aynu jaar wanaagsan ahaano, arrintaasna (madaxbannaanida Somaliland) afti ayaa laga qaaday oo maaha arrin ay wasiirro amma madaxi gaadhay (go’aamisay), shacbiga ayaana gaadhay, shacbiga go’aankiisana waa lagu khasban yahay, cid diidi kartaana ma jirto, balse waxa aannu idin leenahay Xamar u doona nabadgelyo, waxba ha isku dawakhinina Somaliland oo ah dal jira oo madaxbannaan, idinkana wax idinka weydiin mayno,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI.