Gudoomye Cirro1Hargaysa(ANN)Hoggaamiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland WADDANI iyo UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Hoggaamiya Xisbiga Mucaraadka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay halka ay marayaan wadahadaladii u socday Sadexda Xisbi qaran iyo Xukuumadda ee la doonayay in lagu soo afjaro murankii siyaasiga ah eek a dhashay muddo-kordhinta loo sameeyay dhowaan Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda.
Labada Guddoomiye ee WADDANI iyo UCID, oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aanay jirin wax natiijo ah oo laga gaadhay fadhiyadii maalmihii u danbeeyay dhexmarayay dhinacyada, waxayna ku eedeeyeen xukuumadda inay laabtay gogoshii, iyadoo aan wax xal ah la gaadhin, isla markaana hakad ku yimi wada hadaladii u dhexeeyay.kadib markii maanta oo Isniin 25 May 2015, uu baaqday kulankii, taas oo ay sabab uga dhigeen codsi Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo ka codsaday in dib loogu dhigii fadhigii maanta ilaa Salaasada 26 May 2015 ee beri, balse waxay ku hanjabeen in aanay jirin doonin fursad danbe oo ay Xukuumadda iyo Xisbigeedda siinayaan haddii maalinta berri ah ay dhicisoobaan wadahadaladu.
“Waxaad ka war qabteen inuu socday wada-hadal ah gogol uu Madaxweynuhu fidiyay, oo lagaga wada hadlayay khilaafkii ka dhashay go’aankii golaha guurtiddu gaadheen ee ahaa muddo-kordhinta aan laysla ogolayn. Anaga oo aan Xisbiga Waddani-ahaan wax shuruud ah ku xidhin,waxanu xisbi ahaan ogolaanay in gogosha aanu nimaadno 20 May 2015, balse wax natiijo ah oo ka dhashay kulanaasi muu jirin. laakiin anagga oo eegayna danta Somaliland iyo badbaadda Somaliland iyo in heshiis dhaco,waxaanu siinay fursad Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE, waxaanuna isla qaadanay in xal-siyaasi ah la helo, waxaanu isku soo noqonay Sabtiddii wax xal ahina kamuu iman dhinaca Xukuumadda iyo dhinaca Xisbiga KULMIYE,waxaanay u eekayd in maalintii gogosha la dhigayay, ay gogosha laabeen, sababta oo ah, gogol-na waanu dhignay ayay yidhaahdeen, go’aanka khilaafka dhaliyayna waxay yidhaahdeen waa lama taabtaan” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI ee Hoggaamiya Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
Hase yeeshee Guddoomiye Cirro, wuxuu xusay in maalintii Isniinta oo ahayd maanta 25 May laysku soo noqday, balse sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxamaan Seylici oo dhexdhexaadinayay ka codsaday in maalin dheeraad ah la siiyo oo maalinta beri la sugo, sidaa awgeena dood dheer ka dib ay aqbaleen codsiga Madaxwyne ku xigeenka, taas oo ku beegan maalinta Beri 26 May 2015.
Dhinaca kale kulamadii dhinacyada ee hore u dhacay, ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, kuwaas oo la rumaysanyahay in aanay waxba kasoo naasa cadayn, taas oo lagu sababaynayo mawqifyada dhinacyada iyo aragtiyaha kala fog oo u muuqda in aanay dhinacna muujinayn tanaasul, balse waxa la saadaalinayaa in ugu danbaynta natiijadu dhinac isugu biyo shubanay. Haddii meel layska dhigo danaha iyo ujeedooyinka gaarka ah ee marain habaabinaya sidii danta qaranka iyo xaalada waqtigan loogu qiimayn lahaa arrimaha lagu muransanyahay, iyadoo aan la baalmarayn nidaamka iyo shuruucda dalka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews