Hargeysa(ANN)-Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland, ayaa ka qayliyay Lixda xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo golaha wakiiladdu cod aqlabiyad ah ku ansxiyeen, iyadoo xubintii laga sugayay xisbiga WADDANi, aanay soo xaadirin, kuwaas oo aan weli soo xulin xubintaa, sababo la xidhiidha muran ka taagnaa soo xulista laba xubnood oo ka mid ahaa xubnaha golaha wakiiladdu ansixiyay maanta.

rof. Axmed Cabdi Muuse, (Abyan) oo ahaa murrashaxii  horre ee Xisbiga UCID,, Xoghahaya Guud ee xisbiga mucaaridka WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga muxaafidka ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere, 12  Nov 2019, Araweelo News Network.
Prof. Axmed Cabdi Muuse, (Abyan) oo ahaa murrashaxii horre ee Xisbiga UCID,, Xoghahaya Guud ee xisbiga mucaaridka WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga muxaafidka ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere, 12 Nov 2019, Araweelo News Network.


Prof. Axmed Cabdi Muuse, (Abyan) oo ahaa murrashaxii horre ee Xisbiga UCID, u taagnaa jagada Madaxweynaha doorashadii 2017, iyo Xoghahaya Guud ee xisbiga mucaaridka WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay markii ay golaha wakiiladu ansixiyeen Lixdaa xubood, ayaa sheegay inay canbaaraynayaan ansxinta xubnaha Komishanka cusub, iyagoo ku dooday in aanay ahayn kuwo sharci ah oo ay la shaqaynayaan.


Xoghahaya Guud ee xisbiga mucaaridka WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in labada Xisbi saaka kulan ka yeesheen arrintaa, isla markaana kulankaa natiijadiisu noqotay inay mawqif midaysan ka qaataan go’aanka lagu ansixiyay xubnaha komishanka doorashooyinka ee cusub.
Prof. Axmed Cabdi Muuse, (Abyan) oo warbaahinta u akhriyay go’aanka ay labada Xisbi arrintaa ka qaateen, ayaa sheegay in Komishankii doorashooyinka ee la sugayay shuruucda dalka iyo shuruudihii xeerku u dhigay, xulistooda iyo ansixintooda, taas oo uu sheegay inay meesha ka saartay dhex-dhexaadnimadii iyo garsoorkii ay xisbiyada ugu xaqsoori lahaayeen.


“Markii labada Xisbi ee WADDANi iyo UCID, ay u cadaatay in xukuumadda KULMIYE, ay baalmartay heshiiskii saddexda Xisbi ku galeen madaxtooyadda ee beesha Caalamku dhex-joogtay, ee ay caddaatay in golihii Wakiiladda laga dhigay saylad, isla markaana hantidii umadda loo adeegsaday danaha Xisbiga KULMIYE, Markay labada Xisbi Mucaarad ku qanceen in madaxweynuhu bur-buriyay dumuqraadiyadii iyo doorashooyinkii Somaliland kusoo caana maashay, isla markaana cadaystay nidaam keli-talisnimo, waxay labada Xisbi qaadaceen wada-shaqaynta xubnahaa oo lagu keenay dariiq sharciga baalmarsan, waxayna labada Xisbi ku baaqayaan shir-wadatashi oo lagaga arinsanayo xaalada dalku marayo.” ayuu yidhi, Prof, Abyan.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga muxaafidka ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere oo warbaahinta la hadlay, ayaa dooda mucaaradka ku sheegay mid aan sharci iyo qiil haysan, wuxuuna sheegay in haddii ay mucaaradku hayaan qodobo sharci ah oo ay u kuskanayaan dooda ay bedka keenaan, isagoo dhinaca kale xusay in Lixdaa xubnood ee golaha wakiiladu ansxiiyay ay wixii maanta ka danbeeya yihiin xubnaha sharciga ah ee komishanka doorashooyinka qaranka, isla markaana wuxuu xusay in xubinta ka dhiman looga fadhiyo Xisbiga WADDANI, inay horgeeyaan golaha si looga gudbo muranka oo doorashooyinkii iyo hawlaha kale ee yaal loogu gudbo.