Hargeysa(ANN)-Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa si wadajir ah ugu gacansaydhay dalabka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ku baaqay ee aha in Axsaabta Qaranka Somaliland ay u yimaadaan kulan deg-deg si loo xaliyo khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa jawaab ka bixiyay baaqa Madaxweyne Biixi, kadib markii ay Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI kulan deg-deg ah ka yeesheen dalabka Madaxweynaha.


“Xaflada loo qabtay munaasibada (Berbera Economic Free Zone) anagu kama qaybgelin, sababtoo ah anagu ilaa Madaxweynuhu qabto doorashooyinka wax shaqo ah oo aan la yeelanaynaa ma jirto, maxa masiibo ah marka qofka madaxda ah Afkiisa iyo Uurkiisu is yeelan waayaan, qofka masuulka ah waa qawlkiisa iyo ficilkiisu is yeeshaan, Madaxweyne Muuse labadaa sannadood ee uu dalka hayay khudbadaha uu akhriyo iyo ficilkiisu isma laha, waana Madaxweynihii u horreeyay ee ina soo mara ee aanu aragno in wuxuu ka hadlayo iyo wuxuu samaynayaa kala duwan yihiin.” ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ku hadlayay afka labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI.


Wuxuu sheegay in doorashada qabashadeeda ay masuuliyadeedu saarantahay Madaxweynaha ee aanay saarnayn axsabta, wuxuuna xusay in labada sannadood ay doonayeen in Madaxweynuhu doorasho qabto, balse waxa uu sheegay inuu marmarsiinyo ka dhigtay Xisbi keliya oo sheegay in aanay ku kalsoonayn guddidaa.


“Madaxweynaha waxan u samaynay tanaasul badan, sidii uu doonayay ayaa nalagu dhex-dhexaadiyay ugu danbayntii, baarlamaankii la yidhi, haloo gudbiyona waakii ka hortegey ee diiday oo nin aan sharci u lahayn oo la taliye sharci Baarlamaan sheegtay diiday , hadana waan u dulqaadanay oo tiisii ayaan u yeelay in Todoba xubnood la magcaabo labana marka danbe lagu daro guddidaa labada Xisbi mucaarad leeyihiin, markii danbena si uu doorashada isu hortaago, isagoo xeerkii jebiya wuxuu magcaabay xubin aan sharcigu ogolayn, markaa Madaxweynuhu wuxuu samaystay qorshe naftiisa ah oo ah, “Baarlamaanku ha kordho, Guurtiduna ha korodho, taaduna si ay u korodho, waxaanse u sheegayaa Madaxweynaha doorashadaa maanta ee Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka iyo kursigiisu waysku xidhan yihiin. haddaanay doorasho dhicin Madaxweyne noqonmaayo Muuse ma joogayo.” ayuu yidhi, guddoomiyaha UCID. Eng. Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo guddoomiyaha UCID, ku hanjabay inay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah Madaxweyne Biixi, oo ay sameeyeen guddi ay siiyeen awood buuxda oo labada Xisbi ah, isagoo ku dooday in Madaxweynuhu sameeyay saddex tallaabo mudadii lagu jiray khilaafka, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen muddo kordhintii, ansixintii guddida komishanka ee laysku khilaafsanaa iyo sidoo kale inay is doortaan oo weliba guddoomiye u doortaan xubintii laysku hayay,wuxuu sheegay in arrimahaasi ku tusayaan in Madaxweyne Musue u taaganyahay muran sidaa awgeed ay ka tashanayaan oo aanu dalku kusii jirayn muran.


Guddoomiyaha UCID, wuxuu isagoo ka hadlaya mawqifkooda baaqa Madaxweynaha yidhi, “Labadaa sanandood Madaxweynaha waxan la fadhiisanay toban jeer, guddi dhex-dhexaadin ah oo xul ah oo haykalkii Umadda ah ayaan sugaynaa oo arrinta ku jirtay, laakiin anagu Muuse wax danbe oo aanu horfadhiisanaynaa ma jirto.” ayuu yidhi, Faysal, wuxuuna mar la weydiiyay in guddida uu sheegayaa Madaxweynaha la kulmeen yidhi, “Ma hubno inay la kulmeen ee iyaga ayaan sugaynaa, Madaxnimadiisana waanu ka tashanaynaa haddii uu maanta doorasho qabanwaayo”