lawyacado
Djibouti(ANN) Xoggo soo baxay Bar dhinaca Internetka ah oo lagu baahiyo arrimaha argagixisada iyo amaanla, ayaa faahfaahin ka bixiyay macluumaadka sababay in dawladda Djibouti xidho xadka ay la wadaagto dalka Jamhuuriyadda Somaliland toddobaadkan.

Warbixin lagu baahiyay shabakad ka faaloota arrimaha amniga, sirdoonka iyo argagixisada oo lagu magcaabo “Intelligence News”, ayaa lagu sheegay in dawladda Djibouti u xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland sababo la xidhiidha dhinaca amniga, kuwaasoo soo baxay kadib markii kooxda Al-shabaab ku hanjabtay inay weeraro ku qaadi doonto suuqyada dalalka reer galbeedka.

“Dawladda Djibouti, ayaa xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, markii kooxda Al-shabaab ugu baaqeen taageerayaashooda caalamka inay weeraro ku qaadaan suuqyada iyo danaha reer galbeedka, taasina waxay sababtay in la xidho xadka, iyadoo sidoo kale dalka Jabuuti xoojiyey ilaalinta xadkooda, sarena loo qaado in ciidamo millatari la dhigo xadka ay la leeyihiin Somaliland,” ayaa lagu yidhi warbixinta la baahiyey oo Jamhuuriya helay shalay.

Waxa kaloo xogaha la helay tibaaxeen in dawladda Djibouti ka war heshay in Al-shabaab qorshaynayaan weeraro ay ka fuliyaan dalalka bariga Afrika, kuwaasoo si gaar ah loola bartilmaameedsanayo danaha istaraatijiyadeed ee dalalka reer galbeedku ku leeyihiin bariga Afrika.
Sida warbixinta lagu muujiyey, sirdoonka dalka Maraykanka, ayaa bixiyay xoggaha dhinaca ammaanka ee sababay in la xidho xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti, waxaanna warbixinta lagu yidhi; “Hay’adaha sirdoonka dalka Djibouti, ayaa ku dooday inay xoggo ka heleen sirdoonka dalka xulafada ay yihiin ee Maraykanka, xogtaas oo sheegtay in kooxda Al-shabaab maleegayso weeraro khatar ku ah danaha waddamada reer galbeedka ee dalalka bariga Afrika oo Jabuuti ku jirto.”
Dhinaca kale, dawladda Djibouti, ayaa ciidamo tiradoodu dhan yihiin kun askari u dirtay dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ah ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM, waxayna arrintaasi abuurtay in laga feejignaado weerarada Al-shabaab ku qaado dalalka ciidamada ugu deeqay Soomaliya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews