gaadhigaqarxay muqdishoHargeysa(ANN/AFP)Wakaalada wararka ee AFP, ayaa baahisay in laba qof oo haysta dhalashada dalka Holland ee Qaaradda Yurub fuliyeen weerarkii ay ku dhinteen 25 qof oo isugu jira masuuliyiin, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dad rayid ah, kuna dhaawacmeen in ka badan 50 qo, kaasoo maalintii Jimcaha ka dhacay Huteel ku yaal duleedka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Xoggo laga helay Nabad-sugida Soomaaliya iyo hay’addo kale oo dhinaca ammaanka, ayaa muujiyey in nin la odhan jiray Ismaaciil Muuse uu Baabuur miinaysan ku qarxiyey Central Hotel, halka gabadh magaceeda lagu sheegay Luula Axmed Daahir ay markii dambe isku qarxisay masjidka lagu tukanayey saaladii Jimcaha ee isla huteelkaa, kuwaasoo labadooduba ahaa Soomaali qurba-joog ah, isla markaana haysta dhalashada dalka Holland.
Sida xogguhu tilmaameen haweenayda magaceeda lagu sheegay Luula Axmed Daahir waxay ka mid ahayd masuuliyiinta ka shaqeeya huteelka Central oo ay joogtay muddo afar ilaa lix bilood ah, iyadoo wararku sheegeen in xidhiidh xooggan ka dhexeeyo haweenayda iyo ninka weerarka fuliyey, lana tuhusan yahay inay ahaayeen lammaane is-qabay, balse, ilaa hadda arrintaas si ramsi ah looma xaqiijin.
Masuuliyiinta ammaanka Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in dad gaadha ilaa 12 qof, una badan shaqaalaha huteelka la qarxiyey loo xidhay falkaas oo khasaare xooggan sababay, iyadoo dhallinyaro iyo masuuliyiin asal ahaan ka soo jeeda degaannada Somaliland ay dhimasho iyo dhaawacyo ka gaadheen weerarka ka dhacay Muqdisho.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews