Hargeysa(ANN)-Guddida ka hor-tagga cuddurka Coronavirus ee Somaliland, ayaa iska difaacay eedaymo uga yimi Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, kaddib markii uu Warbaahinta u mariyay dhaleecayn.

Guddoomiyaha SOLJA oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu qoraal u gudbiyay Guddida kaga codsaday in su’aalo ka weydiinayo shaqada iyo Lacago guddiga lagu wareejiyey oo loogu talo-galay la-dagaalanka Cudurka Covid-19, taas oo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay cilmi-baadhis uu ururku SOLJA samayntiisa ku hawlan yahay.

 

Balse Xoghayaha Guddiga heer Qaran ee ka-hortagga Xannuunka Covid-19, Eng Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), oo ka jawaabayay eedaha loo jeediyay Guddida uu xoghayaha u yahay, ayaa aqoon-darro iyo kuwo aan waxba ka jirin oo jiha habawsan ku tilmaamay, isagoo ku tilmaamay Guddoomiyaha SOLJA ku tilmaamay Nin aan Shaqadii loo igmaday garanayn.

 

Xoghayaha Guddiga Covid-19 oo isaguna maanta saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka uu Guddoomiyaha SOLJA,  ula soo xidhiidhay Guddiga, Jawaabta ay ka bixiyeen iyo haddii ay u bannaan tahay inuu Guddoomiye Xuuto oo ah hoggaamiyaha Saxaafadda Somaliland inuu hawshan oo kale fuliyo.

Eng Xuseen Deyr waxa uu tallaabo sharciga baalmarshan oo aan shaqadiisa ahayn ku tilmaamay hawsha uu Guddoomiye Xuuto ka dalbaday Guddiga maadaama hawsha shaqo ee hay’adda uu masuulka ka yahay ahayn mid qaabilsan Baadhis iyo daba-galka nidaamka maaliyadeed ee hay’adaha dalka, isla markaana sida uu sheegay u dhaqmay sidii uu yahay Hay’addii Hanti-dhawrka Qaranka.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalada Guddoomiyaha SOLJA iyo Xoghayaha Guddiga Covid-19