Araweelo News Network

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa(ANN)-Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/rasaaq Khaliif ayaa ka haddlay sidii ay wax uga dhaceen maxakamada gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ciidan ka tirsan booliska Somaliland ay isku dhaceen saraakiil Ka tirsan WADDANI, xilli ay Maxkamadda Ka Socotay Dacwad Loo haysto saraakiil WADDANI ah.

Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga WADDANI C/rasaas khaliif oo sida Uu Sheegay goob-jooge ka ahaa falkaa ay ciidanku kuklka kaceen saraakiisha Xisbiga WADDANI oo war-baahinta kula haddlay xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ee magaalada Hargeysa ayaa Yidhi,“Sida aad la socoteen maanta waxa maxakamada la keenayey laba sarkaal oo sare sare oo ka tirsanaa xisbiga oo ahaa guddoomiyihii dhalinyarada iyo xogahayihii Ciyaaraha, waxa ka qayb-galay masuuliyiijn badan oo Xisbiga ka tirsan hoggaankiisa, arrintaa iyada ah ay ahayd oo keliya Xisbigu inuu muujiyo dareenkiisa, iyo cadaalada darada ay mudda labaatanka casho iyo dheeraadka ah ahay ku xidhan-yihiin, xubnahaa Xisbiga ka tirsan ee dacwadoodii maanta dhageysigeedii la bilaabay, iyadoo maanta aanan wax dhib ah ka sheeganay garsoorkii iyo sida ay u socota maxakamada aanu rajaynano insha allah in ay cadaalada heli doonaan.”Ayuu yidhi Xogahaye C/rasaaq Khaliif

Md C/rasaaq Khaliif oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in gudaha hoolka Maxakamada ay soo weerareen ciidanka boolisku, isagoo Yidhi, “Waxa ka soo baxday meeshaa in maxakamada la soo weeraro oo ay ciidankii boolisku ay maxakamadii soo weeraraan oo markii koobaad masuuliyiintii Xisbiga oo fadhida hoolkii Maxakamada ee dacwada lagu dhegaysanayey uu taliyihii saldhigu weerar ku soo qaado oo uu xubno kamid ah “Xisbiga WADDANI” usheego in ay doon-doonayaan mar kasta oo ay gacanta ku dhiganaana ay xidhi-doonaan, xadhigan ninmanka hadda ay hayeen aanu noqon-doonin kii ugu dambeeyey,arrintaa iyada ah oo garsoorihii Maxakadamada Gobolka ee dacwada oogayey ay Xisbigu u gudbiyeen isna uu amar ka bixiyey in arrintaa iyada ah aan wax talaabo ah laga qaadin xubtinaa ka tirsan hoggaanka Xisbiga C/laahi Axmed ee ay wada haddleen oo kuu biiray xubnihii hore ee gar-darada u xidhnaa,waxa ka muuqatay Taliyahaa Saldhigu inuu ahaa nin la soo diray , oo ay ciidanku hore u doon-doonayeen sarkaal-kaa hoggaanka ka tirsan iyo Xubno kale oo uu magacaabay Taliyuhu”

Dhanka kalena Xogahaye C/rasaaq Khaliif ayaa sheegay in markii ay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ka soo baxeen afaafka hore ee Maxakamada ay ciidanka boolisku rasaas ku rideen, isla markaana ay jidh-dileen xubno kamid saraakiisha Xisbiga WADDANI,iyadoo qaarkoodna ay xabsiga u taxabeen”Runtii waxa dhacday markii aanu maxakamadii aanu is nidhi aad ka baxdeen in ciidamadu ay weerar soo qadaan,rasaas badan rideen qori dabadii ay la dhacaan xubnihii hoggaanka “WADDANI” Xoghayeyaashii iyo dhammaan xubnihii meesha joogay illaa boqol xabadoona sidii saxaafad qaarkeed oo meesha joogtay ay arkayeen ay ridaan , ragga qaarna ay dhaawac yihiin oo dhakhtarka la dhigay, ragga qaarna la xidh-xidhay,arrintaasi waxay muujinaysaa xukuumadda hadda jirtaa sida ay ugu fashilantay in ay illaaliso amnigii dalka,sida ay ugu fashilantay in ay illaaliso xuquuqdii uu muwaadinku lahaa,xuquuqdii asxaabta qaranka ee loo doortay,oo aad ogtihiin labada xubnood ee xidhani waxa ay ka haddlayeen in ay ahayd arragtidoodii siyaasiga ahayd ee ay xaqa u lahayeen oo dhibaatooyinkii jiray ee ay xukuumaddu geysatay oo lagu andacoonayey in waddo dadka loo furayo , waddooyinka xidhan maanta ee halbowlaha ah ee suuqyadii waa weynaaya ee ahaa ku wii ay nolashu ku xidhnayd weynu ognahay,meesha la furayeyna weynu ognahay.”Ayuu yidhi C/rasaaqa Khaliif.

Geesta kalena Siyaasi C/rasaaq Khaliif ayaa sheegay in waaxda garsoor ay ahayd meesha keliya ee qaranka u bad-qabtay, isagoo fariin u diray Madaxweyne Siilaanyo “Markaa iyadoo taa hore loogu andacoonayey in haddana meeshii keli ahayd ee inoo bad-qabtay oo ahayd garsoorkii maanta in weerar lagu soo qaado oo Maxakamada gudaheedii Xubnihii Xisbiga lagu weeraro lagu rasaaseeyo oo ay xabadi ka dhacdo lagu xidho lagu haddido , runtii waxay tilmaamaysaa Xukuumaddu in ay ku fashilantay hawlaha ay qaranka u haysay, waxaanu u soo jeedinaynaa Madaxweynaha runtii maanta meel uu milgo iyo sharaf uu ku sii joogaa in aanay jirin oo aanay dalka ugu hadhin, haddii ay halkaa marayaan oo uu garsoorkii dalku halkaa marayo , Xisbiyadii qaranku haddii ay halkaa marayaan in ay magac-darro iyo milgo la’aan ay u tahay fadhiga uu sii fadhiyo iyo joogitaanka uu sii joogaa .

Ugu dambayntii Xoghayaha Maaliyada Xisbiga WADDANI Mr C/rasaaq Khaliif ayaa maxakamada ugu baaqay in ay talaabo ka qaaday in ay cadaalad xubnaha ka xidhan Xisbiga WADDANI, isagoo sidoo kalena ka dalbaday Maxakamada in ay go’aan ka soo saarto falkii ka dhacay hoolka maxakamada iyo afaafka hore ee lagula kacay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, “waxaanu maxakamada usoo jeedinaynaan in ay talaabada ay ka qaadayso ee ay ka qaadayso xubnaha xidhan in ay cadaalada heleen annagoo kalsooni ku qabna, xubnaha kale ee lagu soo weeraray iyagoo xaruntoodii ku jira ee lagu qabtay xaruntooda gudahoodii ee lagu wax-yeeleeyay xaruntooda gudahoodiina in ay iyaduna go’aan ka qaadato ayaan ugu yeedhaynaa “Maxakamadu”, Xisbi ahaan waxaan halkan ka cadaynaynaa arrintaa in aananu marnaba aqbali doonin in aananu marnaba luqunta laalaadin doonin.