Abdikarim MoogeHargeysa(ANN)Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda qorshaynta Somaliland Cabdikariim Axmed Mooge ayaa iska casilay maanat xilkii uu ka hayay Wasaaradda.

sidaana waxa uu ku sheegay qoraal uu ku sababeeyay is casilaadiisa oo uu warbaahinta u gudbiyay.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda qorsheynta ayaa sheegay inuu sidoo kale warqadda iscasilaadda u gudbiyey Madaxwaynaha Somaliland, waxaanu sheegay inuu isku casilay sababo la xidhiidha inuu doonayo inuu hawlihiisa gaarka ah u madax-banaanaado.

War-saxaafadeedkiisa ayaa u qornaa sidan “Waxaan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ummada u hayay is-casiladeydiinaa aan u gudbiyay madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha xilalkii kala duduwana ee uu magacaabey si aan ummadadeyda ugu shaqeeyo.

Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa labadii wasiir ee aan la soo shaqeeyay intii aan ka tirsanaa xukumadan Somaliland, Dr Sacad Ali Shire iyo wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka bada Mudane Ali Jama bureed oo ah laba nin oo aan ixtiraam u hayo iyo shaqaalihii labada wasaaradood. Waxaan mahad taas la mid ah u dirayaa qofkasta oo igu tageeray intii aan xilka ummada u hayay.

Waxaan rabaa uun in aan u madax banaanado hawlo ii gaar ah, oo ay ugu weyntahay Oloolaha la dagaalanka Qabyaaladda iyo u doodida sinaanta shacabka Somaliland…”ayuu yidhi Cabdikariim Axmed Mooge.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews