Muuqaalka xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE kaga jira deegaanka Salaxley, masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo salaadiin

Muuqaalka xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE kaga jira deegaanka Salaxley, masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo salaadiin

Hargeysa(ANN) Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jirta deegaanka Koonfurta Hargeysa ee deegaanka Salaxley,. ayaa si rasmiya u shaaciyey taageero buuxda oo ay la garab-joogaan murraxshimada Madaxweynenimo ee Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, wixii ka danbeeya mudada xilka Madaxweyne Siilaanyo.

 

Guddoomiyaha Kulmiye

xubnahataageeraykulankamurashaxnimadmuuse Biixi

xubnahataageeraykulankamurashaxnimadmuuse Biixi

Xaflad si weyn loo agaasimay oo casuumad qado sharafeed ah, isla marakana lagu taageerayay Murashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa  lagu qabtay shalay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay hoggaanka KULMIYE, xubno Wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, Siyaasiyiin, Madaxdhaqameed iyo waxgarad ka tirsan bulshada Koonfurta Hargeysa ee deegaanka salaxley.

Munaasibada, ayaa  lagu soo bandhigay taageerada xubnaha golaha dhexe ay  u hayaan murrashaxnimada Muuse Biixi, iyadoo madashaa ay goob-joog ku ahaayeen 14 xubnood ka mid ah 18 qof oo Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu jira deegaanka Salaxley . Waxaanna madasha lagu asteeyey khudbado xambaarsan weedho hiil taageero iyo dhoolo-tus siyaasadeed ah oo ay jeediyey Siyaasiyiin iyo Salaadiin ka mid ah martida goobta isugu tagtay.

Xohayaha Guud ee KULMIYE Xasan Siciid iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe jaamac Shabeel

Xohayaha Guud ee KULMIYE Xasan Siciid iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe jaamac Shabeel

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bulshada, isla markaana ah qabanqaabiyaha xafladdaa Mr. Maxamed Iid Dhimbiil oo ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga KULMIYE oo uu hore xilal kala duwan uga soo qabtay xisbiga iyo xukuumadihii Somaliland, ayaa ka warramay mowqifka xubnaha deegaankiisu qaateen iyo sababaha ku kellifay, isagoo xusay in tartanka xooggaysanaya ee xisbiga dhexdiisu muujinayo biseyl dimuquraadiyadeed iyo hufnaan siyaasaddeed oo lagu yaqaan, balse haddana uu bannaanka ka sii muuqdo qofka lagu aamini karo masiirka umadda, marka uu saaxada banneeyo Madaxweyne Siilaanyo.

IMG_1296 (1)

“Tirada guud ee golaha dhexe ee beeshu ku leedahay KULMIYE waa 18 xubnood, wax ku yimi magaca bulshada deegaanka salaxley, wax ku helay xil iyo wax ku yimi maamuus kaleba, markaa 18-kaa xubnood waxa goob-joog ah oo halkan fadhiya 12 xubnood, laba xubnood oo kalena cudur-daar adag ayey ku maqan yihiin oo midkood geeri ku dhacday buu ku maqanyahay. Sidaa darteed, 14-kaa xubnood oo dalka gudihiisa jooga waxaan caddaynayaa inay si buuxda u taageersan yihiin Muuse Biixi Cabdi, Afarta kalena waxaan leeyahay kamaanaan rajo-dhigin,” ayuu yidhi Maxamed Iid, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey, “Tartankaa xisbiga KULMIYE, ninkasta oo murrashax ah waxaan leeyahay wuxuu muujinayaa dimuquraadiyad la yaable, dadka wax baynu baraynaa, ninkastoo wax ismoodayna wuxuu doonayaa inuu aad isaga warramo oo uu is-sheego oo is muujiyo, laakiinse ninbaa laga hayey; ‘Loogaa la yidhaahdaa’ markaasaa lagu yidhi, “ Loogoow lagaaga gole fadhiyee.”

 

Suldaan Aadan Suldaan Faarax Cumar oo ka mida madaxdhaqameedka Deegaanka Salaxley, ayaa daboolka ka qaaday inay la-garab taaganyihiin Guddoomiye Muuse Biixi,  hiil aan hagrasho lahayn, waxaannu hadalkiisa ku iftiimiyey waxyaabaha uu Muuse Biixi dheeryahay ragga kale ee hankooda murrashaxnimo “Waxa farxad ii ah in beeshii oo dhami maanta halkan taageeradeeda ku caddeysay oo qoladaa aannu walaalaha nahay berigii waxay Ina Cigaal ugu coddeeyeen Abti baanu u nahaye, maanta labadii reerba inay meesha fadhiyaan farxad bay iyaduna noo tahay, markaa Muuse Biixi waxaan leeyahay nin laba Libaax abti u yihiin baad tahay maanta. Muuse Biixi waxaan leeyahay Suldaanka hadlay wax ma dooranayee ee golaha dhexe ayaa wax dooranaya,” ayuu yidhi Suldaanku.

 

Sidoo kale, Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude, oday Aadan Xujaale, oday Cali Quulle Faarax oo ka mida odayaasha Deegaanka Koonfurta Hargeysa iyo Dr. Ismaaciil Cali Jaamac oo ka tirsan xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa iyaguna hadallo ay madasha ka jeediyeen ku ayiday taageerada la siisay Guddoomiye Muuse Biixi, iyagoo tilmaamay inay ku kalsoon yihiin inuu ku guulaysan doono jagadaas marka la gaadho shirka Golaha dhexe xisbiga.

 

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Jaamac Shabeel oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaanay sheegid iyo shaacin toona u baahnayn Taageerada ay xubnaha Golaha dhexe ee deegaanka Salaxley u muujiyeen Musharaxnimada Guddoomiye Muuse, balse ay tahay qadiyad sida cad-ceeda u ifaysa oo hore loo filayey. Labada masuul waxa kaloo ay farriin adag u direen siyaasiyiinta ku jira xisbiga ee dabada ka riixaya murrasharixiinta aan kalsoonida buuran haysan ee hanka madaxnimo galay, kuwaasoo ay ugu baaqeen inaanay lugayn.

 

Xildhibaan Axmed Wayso-cadde oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo sheegay inuu ku hadlayo afka guddida  isku-duba-ridka taageerayaasha Guddoomiye Muuse Biixi ee Golaha dhexe ee xisbiga, ayaa ka mahadceliyey taageerada loo muujiyay Muuse Biixi, taas oo uu ku tilmaamay hiil wayn oo looga fadhiyey, isla markaana waxa uu ugu warramay taageerada deegaaanka uu kasoo jeedo ee Saaxil u hayso murrashax Muuse.

 

“Ergada Golaha Dhexe ugu jirta Saaxil iyo Woqooyiga Hargeysa, boqolkiiba shan iyo sideetan (85%) waxay ku daba-fayleen oo la socdaan murrashax Muuse Biixi Cabdi, murrashaxiintuna markay cod ka haystaan xaafadooda ayey cod kalena u badheedhi karaan oo ay cid kale inay waydiistan, markaa kuma khaldanidin haddaad tihiin deegaanka Salaxley  inaad ku biirtaan halka ay u badantahay taageeradu oo aad codkiina Golaha dhexe siisaan. Waanay caddahay cidda haysata aqlabiyadda Golaha Dhexe ee KULMIYE, halkan inta nooga caddaysay ayaa ku filan in looga qiyaas qaato murrashaxa aqlabiyada Golaha Dhexe haysta,” ayuu yidhi Waysa-cadde.

 

Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi iyo Xildhibaan Saleeban Cawad Cali (Bukhaari) oo ka tirsan Golaha Wakiilada, isla markaana kala metelayey xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga ugu jira laascaanood iyo Galbeedka Burco oo sheegay siday u kala horreeyaan ee taageersan murrashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE, kuwaas oo iyaguna soo dhaweeyey go’aankan la mid ah kii hore ay u qaateen, halka La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo uu madasha ka shaaciyey in aqlabiyadda xubnaha golaha dhexe ee Baligubadle ay maalmaha soo socda shaacin doonaan taageerada Muuse Biixi.