Share this:

" />
Telesom Dahabshiil

Xukuumada Somaliland oo ka Noqotay Go’aankii ay ku Mamnuucday Qaxootiga Soomaalida ah ee Ka Imanaya Yemen

11294467_10153283016302789_1284301089_oHargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa ka noqotay go’aankeedii ee ahaa inay joojiyey qaxootiga Yemen ee ka soo degi jiray dekedda Berbera, gaar ahaan dadka Soomaalida ah, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde uu sheegay in qaxootigaas la joojiyey toddobaadkii hore.
Hasayeeshee, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu ku faafiyey boggiisa Twitterka ku caddeeyey in laga noqday go’aankaas hore, isla markaana Somaliland ogoshahay in Soomaalida qaxootiga ah ee ka soo cararay dagaalada Yemen ka soo degi karaan dekedda Berbera, kadibna loo gudbin doono degaannada ay u kala dhasheen.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali,waxa u daboolka ka qaadey in aanay Xukuumadu diyaar u aheyn in ay qaabisho Qaxootiga Yemen,ee u dhashey Wadanka Soomaaliya isagoo ku sababeeyay in aanay jirin ogolansho dhinaca dhaqaalaha ah oo ay beesha caalamku ku aqbashey in qaxootiga Soomaaliya,ee kasoo cararey dagaalada wadanka Yemen ku talagal ahaan ay ugu talagashey in loo qaabilo qaxoonti ahaan,haseyeeshee, ay qaabilayaan qaxoontiga u dhashey Wadankaasi Yemen iyo waliba kuwa Itoobiyaanka ah laakiin, waxa uu Wasiirku xusey in loo sameyn doono naxariis iyo
in loo gudbiyo wadankoodii, kuwa hore qeybaha kalena la joojiyay.
Hadalkan Wasiir Xirsi ee ku sahabsan Qaxoontiga Soomaaliyeed oo uu ku faafiyay bogiisa tiwterka oo ahaa qoraal ku qoran luqada ingiriisiga ayaa  daba socdaa hadal u dhawaan Warbaahinta ka jeediyay, Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade,kaas oo ku sahabsanaa qaxoontiga Soomaaliyeed ee kasoo cararey dagaalada kasocda Wadanka Yaman. Balse xukuumadda Somaliland ayaa dhegxumo Iyo canbaarayn ka dhaxashay go’aankaa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.
Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp