Araweelo News Network

Sir. Micheal fallon UK  Secretary of State for Defence

Sir. Micheal fallon UK Secretary of State for Defence

London(ANN)Dowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday in ay sii laba jibaari doono howlgalada ay ka wado qaar ka mid ah dalalka Qaarada Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Britain waxay sheegtay in ay ka qeyb qaadan doono xasilinta iyo nabad kusoo dabaalida dalalka Soomaaliya iyo Nageria, iyadoo xustay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya laga caawiyo la dagaalanka Argagixisada iyo sidoo kale horumarinta ciidanka dowladda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururada argagixisada sida ay shaacisay wasaasada difaaca UK.

Dowladda UK iyo Qaramada Midoobey oo iskaashanaya ayaa la sheegay in sare u qaadeen sanadkii la soo dhaafay tababarida iyo sidoo kale horumarinta ciidamada dalalka Nigeria iyo Soomaaliya sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaasarada difaaca UK.

Xoghayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Britain Mr. Michael Fallon oo warbaahinta kula hadlay magaalada London shalay, ayaa sheegay inay ku dhawaad 70 askari oo ka mid ah ciidammada dalkiisu tegi doonaan caasimadda Soomaaliya toddobaadyada soo socda.

Mr. Fallon waxa uu tilmaamay in ciidammada cusub ee dawladdiisu u dirayso Soomaaliya ay caawin doonaan hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, “si,” buu yidhi, “looga adkaado kooxda Al-shabaab.”

” Waxaan diyaar u nahay inaan sii laba jibaarno jabinta iyo la dagaalanka ururada argagixisada , waxaan ka shaqeyn doonaa horumarinta iyo tababarida ciidamada dalalka Nigeria iyo Soomaaliya ” sidaasi waxaa yidhi Xoghayaha gaashaandhiga ee Ingiriiska Sir. Micheal fallon. Secretary of State for Defence.

Dowlada Ingiriiska , ayaa sheegtay in ujeedada ciidamadeeda ay u joogaan Soomaaliya iyo Nigeria in ay tahay in ay ka caawiyaan dhinaca loojistikada,Caafimaadka iyo tababarida ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda UK ayaa horay ciidamada ugu soo dirtay dalka Soomaaliya , kuwaa soo ay sheegtay in ay qeyb qaadan doonaan caawinta ciidamada dowladda Soomaaliya.
30 askari oo Ingiriis ah yaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ciidammada AMISOM ka taageera dhinacyada caafimaadka, farsamada iyo arrimaha millatariga.