abdirabomansoor3Sanaa(ANN)Xukuumadda Dalka Yemen ee Madaxweyne Cabdurabo Mansoor Al-Haadi, ayaa is casishay, kadib markii Malayshiyada Shiicada ah ee Xuutiyiintu si rasmi ah ula wareegeen qasriga Madaxtooyada 20 January 2015.

 

Madaxweynaha Dalka Yemen Cabdurabo Mansoor Al-Haad, ayaan wax war ah laga hayn tan iyo markii ay Malayshiyada Xuutiyiintu qabsadeen Qasiga Madaxtooyadda laba maalmoo ka hor, waxayna ku jireen isaga xubnaha golaha wasiiradu xabsi guri, iyadoo aan wax war ah laga maqlin tan iyo waqtigaa, balse maanta gelinkii danbe ayaa warbaahinta iyo shaashadaha lagu arkay Madaxweyne Cabdirabo Mansoor Al-Haadi oo ku dhawaaqay in xukuumaddiisu is casisashay.abdo rabo mansoor1
Dagaalyahanka Xuutiyiinta, ayaa ku macneeyay qabsashada Qasriga Madaxtooyada , Warbaahinta Dawlada, xarumaha dawlada iyo xeryaha Milateriga mid ka dhalatay dhibaato iyo dulmi ay ka tirsanayeen xukuumadda, waxayna ku eedeeyeen xukuumadda mid musuq-maasuq hadheeyay, isla markaana fulin weyday heshiiskii hore loo gaadhay ee la doonayay in xaalada lagu dejiyo, kaas oo sida ay sheegeen ahaa in lagu sameeyo dawlad awooda iyo xukunka lagu qaybsado.
Hase syeehee Madaxweynaha Is casilay, ayaa sheegay in heshiiskii la gaadhay Arbacadii todobaadkan ka hor intii aanay xuutiyiintu qabsan Madaxtooyadda uu dhinacooda ka fuli waayay, kaas oo qodobada xukuumaddu wadatay ay ka mid ahaayeen in lasoo daayo Agaasimihii xafiiska Madaxweynaha Ahmed bin Mubarak (presidential Chief of Staff), kaas oo Todobaadkii hore ay Malayshiyada Xuutiyiintu Afduub ahaan u qabsadeen oo ay weli haystaan.
Saraalka la Afduubay, ayaa ahaa Guddoomiyihii shirkii nabadda iyo awood qaybsiga eek a dhacay Sanca sanadkii hore, waxayna Xuutiyiintu hore ugu gacan saydheen inuu noqdo Raysal Wasaare. Kadib markii Madaxweyne Cabdirabo u magcaabay Raysal wasaare dabayaaqadii sanadkii hore xiligaa oo ay Malayshiyada Xuutiyiintu gebi ahaanba la wareegeen xeryaha ciidamada oo ay inta baddan Sep 2014, sanadkii hore qabsadeen.
Sababta Xuutitiintu ugu gacan saydheen Ahmed bin Mubarak inuu waqtigaa noqdo Raysal Wasaare, ayaa lagu macneeyay mid ka dhalatay in uu hor taagnaa fulinta heshiiskii awood qaybsiga iyo in Dastuurka dalka lagu meel mariyo nidaam awood qaybsi oo Federaal, kaas oo ay xuutiyiintu doonayeen in dalka Yemen laga dhigo 6 gobol oo dawlad Federaal oo dhexe yeesha.
Malayshiyada Xuutiga oo taageero ka helaya Dalka Iran iyo Jabhada Awooda baddan ee Xusbulaah, waxa hadda soo baxday in cidda sida dadban u hogaaminaysa ee suurta galka ka dhigtay inay si fudud ula wareegaan xarunta Madaxtooyadda Yemen iyo xeryaha Ciidanka ay tahay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdala Saalax, kaas oo Telefishanka Al-Jazeera xaqiijiyay awooda uu weli ku leeyahay dalka iyo Ciidamada. Kadib markii xalay uu baahiyay Telefishanka Al-Jazeera Cali Cabdala oo khadka Telefoonka ku hagaya hoggaamiyaha Xuutiyiinta Oct 2014, isagoo u rajaynaya guul iyo inay gacanta ku dhigaan dalka oo dhan, isla markaana ninka hoggaaminaya Malayshiyada Xuutigu kaga jawaabayo weedhaha,tallooyinka iyo awaamiirta Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax “Yes Sir”

 

Xaaladda Caasimadda Dalka Yemen ee Caasimadda Sancaa, ayaa faraha ka baxday. kadib markii Malayshiyada Xuutiyiinta si lama filaan ah u weerareen qasriga Madaxtooyada. Qasriga Madaxtooyada ee ay qabsadeen Xuutiyiinta Shiicada ah, waxa ku yaalay xafiiska ugu weyn ee Madaxweynaha, wuxuuna ahaa xarunta looga taliyo dalka Yemen, iyadoo Ciidanka Xaras Al-jamhuuriga ee daganaa ahaayeen ciidanka sadexaad ee ugu awooda baddan Yemen, kuwaas ahaa kuwa ugu hub baddan oo haystay Dubaabado gaadhaya 300 iyo gaadiid gaashaaman oo boqolaal ah, balse malayshiyada xuutiyiinta ayaa si dhibyar ula wareegay, waxaana taas loo nisbbeeyay awaamiirta uu dusha ka siinayo ciidamada dawlada Madaxweynihii hore ee dalkaa Cali Cabdalla Saalax.

Shaaracyada iyo wadooyinka magaalada waxa hadheeyay dagaalyahanka Xuutiyiinta oo hore dhamaadkii sanadkan fursad u helay inay si fudud gacanta ku dhigaan inta baddan Xeryaha Ciidamadda iyo Hay’addaha Muhiimka ah ee Dawlada Sep 2014, balse mar kale dib u bilaabay qorshohoodii ahaa inay qabsadaan hay’addaha dawlada iyo xeryaha ciidamada ilaa ay la wareegeen qasriga Madaxtooyada 20 January 2015.
Qaramada midoobay, ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xiisada dalka Yaman laba maamlmood ka hor, iyadoo Dawlada Sucuudigu hanjabaad u dirtay Malayshiyada Xuutiyiinta, balse waxay beesha caalamku indhaha ka qarsatay waxa socda Yemen, taas oo u muuqata mid taageero u ah Malayshiyada Xuutiyiinta.
Maraykanka ayaa maraakiibta ka taagnayd Badda Cas gacanta Red Sea ka dhaqaajiyay goobihii ay taagnayeen, isagoo ka cabsi qaba weeraro kaga yimaada xaalada cabsida leh ee dhinaca amaanka Yemen,
Si kastaba ha haatee waxa muuqatacabsi weyn oo kasoo korodhay isbedelka dalka Yemen, kaas waqtigan kusii jeeda, ama looga cabsi qabo inuu waajaho fawdo, isla markaana uu maro wadadii Somalia ee burburka iyo dagaalada ehliga ah ee daba dheeraaday.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com