Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa xayirtay Koonteenaro ay leedahay Dawladda Imaaraadka oo laga dejiyay dekedda magaalada Muqdisho.

Maamulka Dekedda Iyo Saraakiisha Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, ayaa Isku maan dhaafay Koonteenaradaa. Kadib markii Maamulka Dekadda weyn ee Muqdisho ku wargeliyeen Safaaradda in aan Dekedda laga saarayn Ilaa la baadho Koonteenarada oo la hubiyo waxa ku Jira, balse  safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho, ayaa diiday dalabka Saraakiisha Dekedda.

 

Safiirka Imaaraadka ee Muqdisho oo ka cadhooday arrintaa, ayaa dacwad u gudbiyay Madaxweynaha iyo Ra”iisal wasaaraha, waxaana markaa kadib dekedda booqday Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Ducaale iyagoo Saraakiisha Dekedda ku amray in la fasaxo alaabtaa Safaaradda imaaraadka.

Dawladda Imaaraadka oo taageero dhanka Ciidamadda Iyo dhaqaalaha siisa dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa muddooyinkan danbe lagu eedaynayay  Inay abaabulayso dhaqdhaqaaqyo Ka dhan ah xukuumadda, iyadoo Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho lala xidhiidhiyay faragelin maamulka ah.

Halkan Ka Akhri: Dawladda Imaaraadka Oo Hubaynay Maamul Goboleedyada Soomaaliya Ee Kasoo Horjeeda Dawladda Federaalka Iyo Ra’iisal Wasaarihii Hore Oo Dilaal Ka Noqday

Dhinaca kale Safaaradda  Imaaraadka Carabta ayaa si joogto ah dekadda Muqdisho ugala soo degta alaabo kala duwan oo ay ku jiraan qalab milateri oo qaarkood la siiyo maamul goboleedyada, waxayna arrimahaasi sii xoojiyeen tuhunadii hore looga qabay Inay Imaaraadku faragelin ku hayaan Maamul goboleedyada Soomaaliya oo qaarkood Intii ay soo bexeen tuhunadani kasoo hor jeesteen xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.