Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Nairobi(ANN)-Xukuumadda Dalka Kenya oo dhowaan ku guulaysatay in ay xubin aan joogta ahayn ka noqoto golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, (United Nations Security Council), ayaa bilawday qorshe ay qadiyada Madaxbanaanida Somaliland ku geynayso qaramada Midoobay.

 

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga oo hada ah Wakiilka Sare ee Horumarinta Kaabayaasha Ururka Midawga Afrika, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida AU, kadib markii xilkaa loo magcaabay bishii Oktoobar 2018, ayaa wada qorshaha mooshinka qadiyada Somaliland ee la hordhigayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida lagu daabacay Barta Twitterka Xafiiska Xidhiidhka Kenya @kenya_Liaison.

Ambassador Bashe Awil oo ah Safiirka Somaliland u jooga Dalka Kenya, ayaa dhankiisa sheegay in Kenya iyo Somaliland ay leeyihiin taariikh fog oo iskaashi. Waxaan rajeyneynaa inaan ku dhisno xidhiidhkeena adkaynta dhinacyo badan oo aad ay u jecel yihiin annaga dadkayagu, sida Suuqa maanta ee adduunka, ayuu ku yidhi, Ambbassador Bashe qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter.

 

“Xidhiidhku, wuxuu ka muhiimsan yahay xuduudaha waxaana sugeynaa inaan sare u qaadno annaga oo eegayna danta wadaagga ah ee muwadiniintayada. Somaliland waxay qiraysaa barnaamijka Dawladda Kenya ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, dalxiiska, waxbarashadda iyo la dagaalanka argagixisada” ayuu yidhi. Amb. Bashe Cawil.

Dhinaca kale, Garoowe Online, ayaa arrintan wax ka qoray, isla markaana warbixin dheer kaga hadlay qorshaha Kenya, ayaa u adeegsaday ciwaan nuxurkiisu yahay “Kenya ma waxay riixaysaa in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah.”

Kenya, waxay dhowaan ku guulaysatay in ay xubin aan joogta ahayn ka noqoto golaha Ammaanka, kadib markii ay tartan la gashay Dalka yar ee Djibouti oo ay kaga guulaysatay, waxayna  hawsheeda xubinimadu bilaabmi doonta  marka ka gaadho January 2021. Dalka Kenya maaha markii u horreysay ee uu ku biiro xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha Ammaanka, balse intii u dhaxaysay sannadihii 1997-1998, waxay Kenya ka ahayd xubin aan joogta ahayd golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, (United Nations Security Council), iyadoo kusoo laabatay mar kale 23 sannadoo kadib.

https://twitter.com/BasheOmar/status/1280871027988463619?s=20

Dalka Kenya iyo Jamhuuriyadda  Somaliland, walaw aannay lahayn xuduud dhuleed iyo mid baddeed, isla markaana aannay xuduud ka lahayn dhanka hawada, balse waxay labada leeyihiin xidhiidh taariikhi ah oo aan raadadkiisa la daficiri karin, xilligana rubuc-qarnigii u danbeeyay markii ay Somaliland lasoo noqotay madax-banaanideeda, isla markaana geeska Afrika ka noqotay tusaalaha dhanka nabadgelyada, horumarka, ganacsiga, geedi-socodka nidaamka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah, waxay Kenya oo si weyn u dareentay xasiloonidarada ka jirta jaarkeeda Soomaaliya si weyn ugu riyaaqday xasiloonida Somaliland, taas oo gelisay hunguri iyo xiiso ay u qabto iskaashi ay la samayso, maadaama ay Somaliland tahay tusaalaha geeska Afrika ,isla markaana ku dhowaad soddon sannadood oo dunidu indhaha ka lalinaysay Somaliland, ay xilligan khasab ku noqotay Kenya iyo kuwo kale oo aduunka ah inay soo jaleecaan dhankeeda, iyagoo garwaaqsaday ahmiyada Istiraatiijiayadeed ee ay leedahay.

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.