Nairobi(ANN)-Xukuumadda Kenya, ayaa jawaab tiiq-tiiqsi iyo awood sheegasho ka muuqato ka bixisay qoraal ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya shalay fariin ay warbaahinta marisay kaga dalbatay inay faraha kala baxdo arrimaha gudaha Soomaaliya.


“Dawladda Federaalka Soomalaiya, waxay ugu yeedhaysaa Dawladda Kenya inay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanidayada Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal” ayaa lagu yidhi, qoraalka ku taariikhaysan 27 February 2020, kaas oo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya warbaahinta u marisay Kenya.

Kornayl. Cyrus Oguna oo ka mid ah Millateriga Dawladda Kenya oo ka jawaabaya hadalka Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa warbaahinta u sheegay in haddii Soomaaliya ay dacwad qabto ay tahay inay soo mariso safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.

“Kama hadli karno waxyaabaha ku qoran war-saxaafadeedka, ilaa iyo haddana ma jiraan wax cabasho ah oo nagga soo gaadhay Dowladda Soomaaliya, sidaa awgeed kama hadli karno waxyabaaha ay ka waramayaan warbahintu , markaa wax dacwad ah oo naga soo gaadhay Soomaaliya habayaraatee ma jiraan,” ayuu yidhi, Kornayl. Oguna.

“Waxaanu nahay dal uu sharcigu ka shaqeeyo, waannu ixtiraamnaa xeerarka caalamiga ah, balse haddii ay jirto cid wax ka tabanaysa Dowladda Kenya waxaa jira wadiiqooyin loogu talo galay dublamaasiyadeed oo ay tahay in la maro oo lagu dacwoodo. Mana jirta sabab aannu u martigelino qof baxsad ah. Marka wax dacwad oo rasmi ah oo naga soo gaadhay safaaradayada Muqdisho ma jirto, waana halkaas wadada ay tahay in la maro,” sidaa waxa yidhi, Af-hayeenka u hadlay dawladda Kenya, Kornayl. Cyrus Oguna oo si tiiq-tiiqsi ah iyo awood sheegasho ugu jawaabaya dawladda Federaalka Soomaaliya.


Saraalka u hadlay dawladda Kenya, wuxuu sheegay inay ka dowlad ahaan shaqadoodu tahay laalinta xuduuddooda iyo inay xaqiijiyaan haddii uu iska hor-imaad ka dhaco gudaha Soomaaliya aannu usoo gudbin xadkooda.


Wuxuu sheegay Kornayl Cyrus Oguna, in Haddii ay dhacdo dhigaabto dagaal ay diyaar ku noqonayaan ciidankoodu xuduudda, si ay u xaqiijiyaan difaaca shacabkooda oo ay ka difaacaan xaalad walba oo amni oo dhacda.

Dhinaca kale, waxa laga soo sheegayaa Xadka magaalooyinka Mandheera iyo Beled Xaawo xaalad collaadeed, iyadoo sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaanka ay jiraan ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Jubaland ay isku hor-fadhiyaan, waxayna arrintaa san-saanka collaada ee ka muuqata deegaankaa sababtay in shacb badan ay ka qaxaan oo u gudbaan dhanka xadka Kenya.

War-saxaafadeedka Villa Somalia halkan ka Daallaco.

War-saxaafadeedka  Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Villa Somalia 27 February 2020, warbaahinta u marisay Kenya. Araweelo News Network.
War-saxaafadeedka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Villa Somalia 27 February 2020, warbaahinta u marisay Kenya. Araweelo News Network.