Araweelo News Network.

 

 

 

Nairobi(ANN)-Xukuumadda Dalka Kenya, ayaa ka hadashay xaaladda dagaalka dalka Ethiopia ee u dhexeeya maamulka Tigreega iyo xukuumadda Federaalka ee Abiy Ahmed, waxayna ugu baaqday in la joojiyo dagaalka oo khasaare baddan dhaliyay, isla markaana galay toddobaadkii labaad oo aan wax guul ah laga gaadhin.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Magaalada Nairobi kulan kula qaatay wafdi ka socday dowladda Ethiopia oo uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen oo taageero dublamaasiyadeed u raadinaya dagaalka wuxuu codsaday in la joojiyo dagaalka oo uu ku tilmaamay mid aan faa’ido u lahayn mandaqada, isla markaana saamayn ku yeelan kara amaanka iyo xasiloonida gobolka oo dhan.

Uhuru Kenyata ayaa sheegay wefdiga Ethiopia inuu ka xun yahay dagaalka khasaaraha baddan geystay ee sababay inay ka kararaan ku dhowaad 25 kun oo Ethiopian ah oo ka qaxay deegaanka gobolka Tigreega ee ay ka socdaan duqaymaha ay wadaan ciidanka Federaalka Ethiopia, sidaa awgeed wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka socda, isla markaana si nabad ah lagu xaliyo arrimaha jira ee laysku khilaafsanyahay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Kenyatta Uhuru ayaa tilmaamay in Kenya iyo Ethiopia  ay ahaayeen labada Dal ee ahaa kuwa ugu muhiimsan ee nabada ka jirta geeska Afrika, isagoo sidoo kale soo qaaday in dagaalku uu saamayn ku yeelanayo nabada ay ciidamada labada ka wadeen Soomaaliya ee ay ku wada jiraan hawlgalka AMISOM, sidaa awgeed dagaalka xilligan u dhexeeya Xukuumadda Federaalka ee Ethiopia iyo  Ismaamulka Tigreega uu wiiqayo hawlgalka nabada ee Soomaaliya ay ka wadaan ciidamada labada dal, isagoo dhinaca maamulka Tigreega ka dalbaday in Colaalada la joojiyo oo lagu bedelo wada hadal iyo miiska laysugu yimaado.

Baaqa dawladda Kenya ee kasoo baxay Madaxweyne Uhuru, ayaa kusoo beegmay xilli uu ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ku gacansaydhay baaqyo nabadeed oo ku baaqayay in la hakiyo gulufka colaadda, kuwaas oo ka imanayay maalmihii u danbeetat Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, dawladda Maraykanka, Midawga Yurub , Boobka ugu sareeya diinta Kiristanka iyo dublamaasiyiin.

Sidoo kale, baaqa Uhuru, ayaa kusoo beegmay, iyadoo xukuumadda Federaalka Ethiopia sii kordhisay duqaymaha ay ka wado deegaanka Tigreega oo 12-kii maalmood ee u danbeeyay uu ka socday dagaalku, iyadoo xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy sheegtay in ay qabsatay magaalooyin deegaanka Tigreega ah, balse sheegashada xukuumadda ee ah Ciidanka Millateriga dowladda Federaalku qabsadeen deegaamo muhiim ah ayaan jirin warar madax-banaan oo xaqiijinaya, iyadoo dib uga laabatay sheegashooyin horre oo sidan oo kale ah mudadii dagaalku socday.

Dhinaca kale, Hay’adda gargaarka iyo kuwa xuquuqda Aadamaha ayaa ka dayrinaya xaaladda, kaddib markii la xaqiijiyay in xasuuq laga sameeyay deegaamo kuwo dagaalku gaadhay ah, isla markaana kumanaan qof ay maalin walaba u cararayaan dalka Suudaan, taas oo muujinay masiibo weyn oo ka jirta halkaa.