Araweelo News Network

US Vice President Mike Pence (C) and his wife Karen Pence (in white jacket) inspect the honor guard upon their arrival at the National Cemetery in Seoul on April 16, 2017.


Pyongyang(ANN)- Dawladda Woqooyiga Kuuriya, ayaa sheegtay in laga gudbay waqtigii Maraykanku awoodiisa millatari ku cabsigelin lahaa dadka adduunka, awooduna dhinac qudha ka rarnaan lahayd.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Woqooyiga Kuuriya Mr. Sin Hong-chol oo waraysi siiyey telefiishanka Al Jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa uu hanjabaad culus u jeediyey dalka Maraykanka oo uu sheegay inuu falal daandaansi ah ku hayo waddankiisa, isagoo xusay inay weerar kulul kaga jawaabi doonaan markasta oo ay dareemaan in fal dagaal ah kaga imanayo dhinaca Maraykanka.
“Wuu dhammaaday waqtigii amarada la isku yeedhin jiray, iyadoo lagu hanjabayo awooda millatariga Maraykanka, markaa haddii ay ragga ganacsatada ah ee xukuma Maraykanku ay u malaynayaan (u fikirayaan) inay noogu caga-juglayn karaan amma nagu hadidi karaan hanjabaado ah awood millatari iyo cunoqabatayn waxa ay si degdeg ah u ogaan doonaan in hanjabaadoodu tahay wax aan macno lahayn,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.
Waxaannu intaas ku daray; “Haddii aannu dareeno wax calaamad amma astaan ah oo muujinaya in weerar lagu soo qaadayo qarannimada dalkayaga, markaa millatarigayagu wuxuu qaadi doonaa weeraro aan naxariis lahayn oo xannuujiya Maraykanka meel kasta oo ay tahayba, laga soo bilaabo degaannada aadka nooga fog ee dhulka Maraykanka. Saldhigyada millatari ee ay ku leeyihiin dhulka Kuuriya (Korean Peninsula), sida saldhigga Maraykanka ee ku yaal dalka Japan iyo meelo kaleba.”
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Woqooyiga Kuuriya, ayaa caddeeyey in aanay awoodooda hubka nugliyeerku ahayn wax dhalanteed ah, balse ay haystaan hub waxyeelo weyn u gaysan kara dawladda Maraykanka iyo cid kasta oo xulafo la ah.
“Hubkayaga nugliyeerku maaha badeecad meel taal oo laga ganacsan karo, laguna iibsan karo doollarka Maraykanka, mana ah mid iib ah, sidaa darteedna maaha wax aannu cid qudha kala gorgortami karno, cidna uma joojinayno,” ayuu yidhi masuulka u hadlay dalka Woqooyiga Kuuriya.
Geesta kale, waxa dawladda Woqooyiga Kuuriya ku hanjabtay inay toddobaad kasta tijaabin doonto gantaalo cusub oo halistoodu badan tahay, taasoo jawaab u ah hadal ka soo baxay Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka oo sheegay in aanay u dul-qaadan doonin tallaabooyinka ay Woqooyiga Kuuriya ku tijaabiyaan hubka.
Xiisadda colaadeed ee u dhexaysa dalalka Maraykanka iyo Woqooyiga Kuuriya, ayaa meel xun maraysa, iyadoo la saadaalinayo in dagaal khasaare badan sababa uu dhexmari karo labada dawladood xilli kasta iyo waqti walba.