Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay cadadka mala-awaalka miisaaniyad sannadeedka 2022, taas oo ay ka muuqdaan waxyaabo korodh ah iyo qadar loo kordhiyay ciidamadda qaranka.

 Hase yeeshee kama muuqato qoraalka miisaaniyada doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2022.

Qoraal kasoo baxay shirkii gollaha wasiirrada Sonmaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, dood dheer iyo falanqayn kaddib waxa lagu ansixyay miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka.

Miisaaniyada ay Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland soo hordhigtay goollaha wasiirrada,  ayaa cadadkeeda lagu sheegau 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin.

Qoraalka, ayaa lagu xusay in miisaaniyad sannadkeedka 2022, marka loo eego miisaaniyadii sanadkii hore 2021, ay ka badan tahay 17% (Boqolkiiba Toddoba iyo Toban).

Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2022 ayaa la xusay in ay korodhay miisaaniyadda guud ee dawladda 17% sannadkan, halka miisaaniyadda Dawladda dhexe korodhay 11% sannadkan 2022.

Sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka in miisaaniyadda dawladdaha hoose korodhay 44% sannadkan, halka Miisaaniyadda Hay’addaha madaxa bannaan ee dawladduna kordheen 12% sannadkan, iyadoo Mashaariicda mucaawimooyinka dibedda la sheegay in miisaaniyaddoodu korodhay 41% sannadkan, balse laguma xusin qoraalkaa meelaha laga filayo korodhkaa.

Dhinaca kale, waxa lagu xusay in sannadkan ciidamadda qaranka loo kordhiyay 20% mushahaarooyinkooda.

Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka, waxa sida lagu sheegay qoraalka muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose:

1. Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka,

2. Xakamaynta sicir-bararka

3. Ilaalinta qiimaha shillinka Somaliland.

4. Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka.

5. Xoojinta amniga.

6. Qabashada iyo soo saarista biyaha.

7. Ku-talogalka abaaraha.

8. Xoojinta keydka qaranka.

9. Kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada.

10. Dhiirrigelinta wax soo saarka.

11. Deegaanka.

12. Xoojinta ictiraaf raadinta.

13. Kaabayaasha.

Gebagebadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa cod geliyay ansixinta oddoroska miisaaniyadda 2022, waxayna cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2022-k.

Fadhiga, waxa qaybgalay sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyadda 30 wasiir, waxaana u codeeyey in sidaa lagu gudbiyo miisaaniyadda 29 wasiir, halka uu wasiir ka maamusay, mana jirin cid diidday ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2022-ka.

Odoroska miisaaniyadda 2022, ayaa loo gudbinayaa gollaha wakiillada jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo la filayo in ay waajibkooda ka gutaan.

Muuqaalka Wasiirku ku sharaxayo Miisaaniyadda

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo sharaxaya Odoroska miisaanayidda 2022.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com