warancadeHargeysa(ANN)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa iska leexisay dib-u-dhac ku yimaada Doorashooyinka Somaliland ee aanu muuqan diyaar garawgoodu, waxayna eedaha muda dhaaf iyo dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka masuuliyadeeeda dusha u saartay in qaadhaan-bixiyeyaashu, kuwaas oo sida ay sheegtay masuul ka noqon doonaan haddii doorashooyinku dib uga dhacaan waqtigooda oo ku beegan 26 June 2015.
Sidaana waxa sheeciyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo xog-warran siiyey suxufiga caanka ah ee Faysal Fadhfadhe oo barnaamij-soo-saare ka ah Telefishanka Universal, Warancadde, wuxuu ku dooday in sharcigu dhigayo in liiska codbixiyeyaasha la dhammaystiro lix bilood ka hor maalinta doorashada, taasoo uu sheegay in aan ilaa hadda la bilaabin.
“Waxa muuqata sida beesha caalamka oo kale oo ay ahayd inay sameeyaan diwaangelinta codbixiyeyaasha oo ahayd in dhammaystiro lix bilood ka hor waqtiga doorashooyinka, ilaa imminkana weli may bilaabin…Annagu waannu is-aragnay ajnabiga (qaadhaan-bixiyeyaasha), waxaanuna aannu ku nidhi; ‘haddii ay arrintaasi dhacdo oo aad ku keeni weydaan waqtigeedii, illeyn waqti ayaa soconayee waa inaad qaadataan masuuliyadda oo idinku leedihiin khaladka, una sheegtaan dawladda iyo bulshadaba (in dib-u-dhaca doorashadu ka yimi xagiinna), haddii kale waa inaad keentaan sidii loo dhammaystiri lahaa diiwaangelinta codbixinta. Ciddii ka baxda hadhaw amma waqtigu ka soo gaadho shaqadeeda ciddaas ayaa khaladka yeelanaysa,” ayuu yidhi Md. Warancadde.
Waxa kaloo uu sheegay in xukuumaddu dhammaystirtay laba qodob oo arrimaha doorashooyinka ka khuseeya, “Doorashooyinka laba arrimood ayaa naga khuseeya. Mid waa diiwaangelinta (madaniga ah), taasna waa la wadaa oo waxay imminka maraysaa meel fiican, iyadoo lacagteennii si khasab ah la isaga jaray, loona adeegsaday kharashka ku baxaya. Ta kale, kharashkii loogu talogalay doorashooyinku wuxuu ku jiraa miisaaniyadda 2015 oo hadda meel ayuu yaal. Markaad eegto labadaas arrimood wax aad arkaysaa in dawladdu diyaar u tahay in waqtigeedii lagu qabto doorashada.”
Wasiirka oo la weydiiyey; ‘Markii aad diiwaangelinta madaniga ah raaciseen xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxa mucaaridku kugu eedeeyeen inaad adigoo ah Wasiirka Daakhiliga ka shaqaynayso sidii dib-u-dhac ugu iman lahaa doorashooyinka? Waxa uu ku jawaabay; “Maya, khalad ayey fahmeen, waxaanan u jeeday, maadaama dawladdu masuul ka tahay qaranka in aanay dawladdu marna yeelan masuuliyadda (dib-u-dhaca), waayo shuruudaha ku xidhan ayaa ah in qofka codaynaya leeyahay kaadhka muwaaddinka (ID Card), taasoo ah waxa qudha ee dadka reer Somaliland xaqa u leeyihiin, kagana duwan yihiin dadka kale oo codbixintu ka mid tahay. Markaa illeyn Oromo ayeynnu isku egnahay, waxa aynu isku muuqaal egnahay Soomaalida kale oo dad badan oo kale ayeynnu isku egnahay, Afsoomaaligana aad u yaqaan, taasina waxay tahay in qofka qudha ee wax dooran karaa yahay muwaaddinka Somaliland, arrintaasina way fududaynaysay qabsoomidda doorashooyinka, iskaa inay dib u dhigtee, markaa diyaar ayaannu u nahay doorashada.”
Mar la weydiiyay sida uu u arko in xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada xukuumaddu olole u galaan murrashaxnimada KULMIYE, waxa uu yidhi; “Madaxweyne ayaa jooga maanta, iyaga laftooduna way caddeeyeen in aanay hadda murrashaxiin ahayn, laakiin salaad walba waqtigeeda ayaa la tukadaa, hana la gaadho waqtiga dambe ee murrashax la noqon karo. Madaxweynaha jooga maanta wuxuu leeyahay muddo 10 sanno ah, markaa xilliga uu muddadiisa dhammaysto waxaaba laga yaabaa in qaar aanay filayn yimaaddaan meesha (murrashaxiin noqdaan), laakiin imminka wax laga sii hadli karaba maaha, arrintaasna (murrashaxnimada wasiirrada) dhulka ayaannu dhignay (la joojiyey) haddii aannu nahay dawladda maanta jirta ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanan u aragnaa inay tahay mid aan imminka habboonayn in laga sii wadahadlo kursi Madaxweyne fadhiyo, taasna waannu isla qaadannay, waanan joojinnay shir-doceedyada iyo murrashaxnimada cid sheegato, taasina waxay keenaysaa dhibaato baddan, sidaas ayaana lagu joojiyey.”
Warancadde oo wax laga weydiiyey su’aal ahayd; ‘Markii UDUB burburay waxa aad ku biirtay WADDANI, kadibna wasiir ayaa laguu magacaabay, iyadoo aan la arag meel aad ku sheegtay inaad ka baxday WADDANI? Waxa uu ku jawaabay; “Xukuumad walba xisbi ayey ka dhisan tahay. Shuruucda u yaal xisbiga KULMIYE waxay dhigaysaa in ninka wasiirka ah ka mid yahay golaha dhexe, markaa qofku khaayin ma noqon karo oo isagoo xisbi golihiisa dhexe ku jira ma noqon karo xisbi kale, markaa xukuumaddu waxay ku dhisan tahay KULMIYE, aniguna waxaan ka tirsanahay KULMIYE.”
Isagoo sharraxaad ka bixinayey bixiyey farqiga u dhexeeya xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland oo uu dhammaantood wasiir ka soo noqday, waxa uu yidhi; “Runtii way kala duwan yihiin, duruufuhuna aad bay u kala duwanaayeen. Mar waxaan garanayaa aanaan miisaaniya ba lahayn oo kolba sida ay wax noo soo galaan mushaharka uga qaadan jirray. Mar waxaan garanayaa waxa soo baxaba dad hadda waddanka jooga lagu laaluushi jiray oo waddanka iyo nabadda laga laaluushi jiray. Mar waxaan garanayaa aanay xaafadaha Hargeysa isu socon jirin oo runtii raggaa ku soo hagaagay, markaa intii Somaliland dhalatayba dawlad iyo shacab-ba aad baa loo dedaalay.
Waxa aan is-leeyahay dawladda maanta jirtaa waxay kaga duwan tahay dawladihii hore waa laba arrimood; mid waxa weeye qofka bani’aadamka ah marka la dooranayo waa la qiimeeyaa. Intii immika aynnu doorashooyinka ku jiray dadku way iska wadeen oo bal yaad wax ku aamintaan uun bay lahaayeen, laakiin Madaxweynaha hadda joogaa (Axmed Siilaanyo) markaad eegto taariikhda uu dalka ku leeyahay oo ah inuu mujaahid iyo halgamaa. Waxaad garan karaysaa mar hadduu naftiisa u huray, marka uu Madaxweyne noqdayna inuu u huri karayo caqligiisa iyo fikirkiisa iyo wixii Ilaahay waxtar geliyey. Sidaa awgeed, waxa maanta jira horumar ballaadhan iyo ballanqaad aan baaqanayn. Intii hadda aannu wareegaynay tuulooyinkii aannu maraynay meel aan gacan dawladeed laga dareemayn lama arkayn; ama iskuul ha ahaato ama saldhig boolis.”
Sidoo kale, waxa uu Wasiir Warancadde ugu baaqay shacabka inay ilaashadaan nabadgelyada iyo xasilloonida ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland, kana qaybqaataan horumarka dalka, isagoo xusay in laga faa’iidaysan doono khayraadka dabiiciga ah ee Ilaahay ku mannaystay dhulkooda.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com