madaxweynaha iyo wefdiga SwedanHargeysa(ANN)Xukuumadda haysa talada Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka codsatay dawladda Sweden inay Baarlamankeeda hordhigto qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland si la mid ah dalka Falastiin oo ay dhawaan aqoonsadeen.
Madaxweynaha Somaliland . Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, ayaa kulan uu xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Sweden oo uu hoggaaminayo Xoghayaha dawladda hoose ee magaalo madaxda dalkaasi ee Stockholm, waxay ugu soo bandhigeen in dawladda qaado tallaabo ay ku aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland oo buuxisay shuruudaha qaran madaxbannaan leeyahay.
Sida lagu sheegay qoraal kooban oo Madaxtooyadu ka soo saartay kulankaasi Madaxweyne Siilaanyo ayaa mahadnaq iyo soo dhawayn uu u fidiyey weftiga kadib waxa uu sheegay in dalka Somaliland oo madaxbannaanidiisa haystay muddo ka badan 23 sanno uu gaadhay horumar ballaadhan oo ay indhahooda ku arki karaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlayey shir jaraa’id oo lagu qabtay markii uu dhammaaday kulanka madaxweynaha iyo weftiga Sweden, waxa uu sheegay inay ka wadahadleen wax-wada-qabsiga labada dal ee Somaliland iyo Sweden.
“Waddanka Sweden waa dalalka ugu horreeya adduunka xagga horumarka iyo dimuqraadiyadda, sidaynu la soconana dhawaan waxay ictiraafeen dawladda Falastiin, waxaannu doonaynaa dawladda Sweden inay gayso Baarlamankeeda qaddiyadda Somaliland, oo Somaliland noqoto waddanka labaad ee ay aqoonsadaan, waxaanuna u sheegnay inay Somaliland buuxisay shuruudaha waddan uu ku noqon lahaa mid madaxbannaan, iminka wadahadalladu noo socdaan (Soomaaliya) oo aannu filayno in aannu dhaqso u gaadhi doono guushayada oo ah gooni-isu-taaggayaga,” ayuu yidhi Wasiir Biixi, waxaannu intaasi raaciyey, “Waxaannu ka codsanay dawladda Sweden inay wixii horumar iyo dhaqaale ay na siin karto ee aannu isku tari karno aannu ka wadashaqayno.”
Xoghayaha dawladda hoose ee magaalo madaxda dalkaasi ee Stockholm Mr. Lars radh oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ka mahadceliyey sida weftigiisa loogu soo dhaweeyey Somaliland, isagoo wadahadalka Madaxweynahana ku tilmaamay bilow wanaagsan.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaannu la kulanay Madaxweynaha oo aannu isla falanqaynay sidii aannu u sii xoojin lahayn wadahadalka ee aannu u samayn lahayn wada xidhiidh badan iyo wadashaqayn dhexmarta bulshooyinka Sweden iyo Somaliland, waxaannan hubaa in tani tahay bilow wanaagsan oo aynu ku horumarinayno waddamadeenna.”
Gabogabadii, Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays, ayaa uga mahadceliyey madaxda dawladda iyo shacabkaba siday u qaabileen weftigan reer Sweden oo qorshaha socdaalku la xidhiidho sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarka dalka, gaar ahaan hagaajinta bilicda magaalooyinka iyo sidii dawlaha hoose wax uga baran lahaayeen.
Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kaloo uu xafiiskiisa shalay kula kulmay wefti ganacsato ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku jooga dalka, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay sidii xidhiidh ganacsi ula yeelan lahaayeen Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu weftiga warbixin ka siiyey marxaladihii ganacsiga Somaliland soo maray iyo halka uu waqtigan taagan yahay oo ah suuqiisu xoryahay, waxaannu xasuusiyey in dalka Somaliland yahay mid dihin oo leh khayraad fara badan oo u baahan maalgashi caalami ah, isla markaana in badan oo beesha caalamka ka mid ahi u diyaar tahay sidii xidhiidho ganacsi iyo maalgelinba ula samayn lahaayeen Somaliland.
Hoggaamiyaha weftiga Turkiga Mr. Mohmeh tors, ayaa dhinacooda ballanqaaday inay wadashaqayn iyo xidhiidho ganacsi oo hor leh la samayn doonaan dalka Somaliland oo ay indhahooda ku arkeen horumarkiisa.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com