Araweelo News Network

Al-Quds photo file Araweelonews.com

Kuala Lumpur (ANN)-Dawladda Malaysiya ayaa caddaysay in ciidankooda millatarigu diyaar u yihiin wixii waajibaad ah ee looga baahdo ee la xidhiidha qaddiyadda magaalada Qudus, iyagoo sheegay in dhulkaas yahay goob barakaysan oo ka dhexaysay ummadda islaamka ah.
Sida lagu baahiyey website-ka telefiishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya sooa xigtay xalay, Wasiirka Difaaca ee dalka Malaysiya ayaa sheegay in go’aanka Madaxweynaha Maraykanku ku aqoonsaday in magaalada Qudus (Jerusalem) ay tahay caasimadda Yuhuudda uu yahay dhirbaaxo wejiga lagaga dhuftay caalamka islaamka.
“Waxa aannu diyaar u nahay wax kasta oo suurtogal ah, ciidanka millatariga ee Malaysiya mar walba waa u diyaar inay fuliyaan wixii waajibaadkooda ah, iyagoo sugaya oo qudha awaamiirta hoggaanka sare,” ayuu yidhi Wasiirka Difaaca ee Malaysiya Mr. Hishammudin Hussein.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aynu ku ducaysanaynaa in aannu innagu iman khilaaf sababi kara in xaalad dagaal oo noocaas ah keeni karta.”
Go’aanka Madaxweynaha Maraykanku ku sheegay inay magaalada Qudus u aqoonsadeen caasimadda Israa’iil, waxa uu cadho xooggan ka abuuray dalalka islaamka, iyadoo mudaharaadyo laga dhigay dalalka Turkiga, Masar, Jordan, Tuuniisiya, Al-jeeriya, Ciraaq, dhulka Falastiin iyo dalal badan oo caalamka ah.
Hasa yeeshee, dalka Malaysiya ayaa noqday waddanka qudha ee ilaa hadda soo hadal qaaday inuu diyaar u yahay tallaabo millatari oo ka dhan ah in magaalada Qudus loo gacan geliyo Yuhuudda, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee Malaysiya.
Dhinaca kale, dadweyne lagu qiyaasay ilaa 10 kun oo qof ayaa mudaharaad ka hordhigay safaaradda Maraykanku ku leeyahay caasimadda Jakarta ee dalka Indoonisiya, kaas oo lagu taageerayo dadka reer Falastiin, lagagana soo horjeedo in magaalada Qudus laga dhigo caasimadda Yuhuuudda.
Ku-xad-gudubka qaraarada ka soo baxay Qarammada Midoobay
Madaxweynaha dalka Indooniisiya Mr. Joko Widodo, ayaa si xooggan u cambaareeyey go’aanka Maraykanka ee lagu sheegay in Qudus tahay caasimadda Israa’iil, isagoo xusay in go’aankaasi ka hor imanayo, isla markaana uu xad-gudub ku yahay qaraarada ka soo baxay Qarammada Midoobay ee khuseeya dhulka laga haysto Falastiin.