Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay tirada dadka uu haleelay xannuunka Shuban-biyoodka iyo inta ilaa hadda u dhimatay ee Gobolka Awdal oo ka mid ah meelaha uu saamaynta ku yeeshay.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay in tiro ku dhaw kun qof uu xannuunka Shuban-biyoodku ka soo ritay Gobolka Awdal, isla markaana ay u geeriyoodeen 8 qof oo keliya, taasi oo ay sababtay dadaal badan oo wasaaraddiisu ka gashay.
“Gobolkan Awdal bishii saddexaad ee March ayuu ka bilaabay Shuban-biyoodku, muddadaasi waxa u soo dhacay xannuunkan tiro sagaal boqol iyo dhawr iyo konton qof, nasiib-wanaag shaqaalaha Caafimaadka ee Gobolka iyo guud ahaanba Wasaaradda Caafimaadka dadaal aad u badan oo ay sameeyeen, dadaal xukuumaddu gashay iyo mid shacabku galayba waxa lagu guulaystay in la xakameeyo dhimashada xannuunkaasi oo tiradaasi sagaalka boqol iyo dhawr iyo kontanka qof ah waxa dhintay siddeed qof. Xukuunkan Shubanka ee Gobolka aad baanu dagaal ugu qaadnay oo waanu yaraynay, laakiin labadii toddobaad ee u dambeeyey ayuu kor u soo kacay, waxaanna cusbitaalka maanta u jiifa 32 qof, laakiin laba kaclayntiisa ilaa hadda cidi kumay dhiman,” ayuu yidhi Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo warbixin la xidhiidha Shuban-biyoodka siinayey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo socdaal ku saabsan xog-xogaal u noqoshada xannuunka ku tagay Boorama.
Dhinaca kale, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna ka mid ahaa weftiga tagay Boorama, ayaa sheegay in xannuunka Shubanku uu ku dhacay dad tiradoodu gaadhayso saddex iyo toban kun oo qof guud ahaan dalka Somaliland, kuwaas oo ay u dhinteen tiro aad u yar, waxaannu yidhi, “Waxa inoo weheliyey markii roobkii da’ay xannuunkan shuban biyaadka wuxuu ku dhacay dad gaadhaya dhawr iyo toban kun oo muwaadiniin ah, 12,000 ilaa 13,000 ayaan qiyaasayaa, tirada rasmiga ah waxa haysa bahda caafimaadka oo kun in ku dhaw uu gobolkan Awdal kaga dhacay, waxa innagga dhintay laba boqol iyo lixdan qof dad aan ka badnayn (260 qof), halkaa waxa ka muuqata cudurkii wuxuu innaga dilay dad aanay abaartii innaga dilin, waa la dadaalay.”
“Wasaaradda Caafimaadka oo uu u horreeyo waxaannu ku bogaadinaynaa dadaalkii ay galeen iyo hawlwadeenada gobollada ee bahda caafimaadka, gaar ahaan gobolkan Awdal ee aannu maanta joogno, xaaladan xakameeyey aad iyo aad ayaanu u bogaadinaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.