Araweelo News Network

Ali bin Fetais Al-Marri


Doxa (ANN)- Dawladda Qatar, ayaa samaysay guddi heer qaran ah oo raadiya mag-dhawga khasaare lagu qiyaasay ilaa ballaayiin doollar (billions of dollars) oo shirkaddo iyo hay’adda laga leeyahay dalka Qatar ka soo gaadhay xayiraadda ay ku soo rogeen dalalka xulafada la ah waddanka Sucuudiga.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Qatar Mr. Ali bin Fetais Al-Marri oo saxaafadda kula hadlay magaalada Caasimadda ah ee Doxa, waxa uu caddeeyey in guddida heer qaran ee loo sameeyey raadinta mag-dhawgu ay ururin doonaan warbixinaha cabashooyinka ah ee ay soo gudbiyeen shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ay ku jiraan kambaniyadda waaweyn ee dalka Qatar, sida shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways, hay’adaha dawliga ah iyo shaqsiyaadka dhibaatooyinka kala kulmay go’doominta ay dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxrayn ku soo rogeen dalka Qadar taariikhdu markii ay ahayd 5 June 2017.
“Waxa aannu haynaa dad khasaare ka soo gaadhay, ganacsato khasaare ka soo gaadhay, bangiyo khasaare ka soo gaadhay natiijada ka dhalatay go’doomintan (la saaray Qatar), markaa kuwaas ayaan daba gelaynaa,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud ee waddanka Qatar.
Waxa uu tilmaamay inay dacwadooda ay ku raadinayaan mag-dhawga u mari doonaan shuruucda caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba, isla markaana ay kiraysanayaan shirkadaha caalamiga ah ee qabta adeegyada sharciga ah si loo raadiyo mag-dhawga ka dhashay khasaaraha laga kulmay go’doominta Sucuudiga iyo xulafadiisu saareen dalka Qatar.
“Cidda awooda khasabka ah isticmaashay ee sababta u ahayn khasaaraha dhacay, ayaa lagu leeyahay inay mag-dhawga bixiyaan, manaha wax la iskaga hadhayo,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qatar, isagoo xusay in Guddida heer qaran ee mag-dhaw raadinta ah ay xubno ka yihiin Wasiirrada Caddaaladda iyo Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar.
“Waxa jira farqi u dhexeeya arrimaha khuseeya siyaasadda iyo heshiisyada sharciga ku salaysan, waxaannu farqigaasi yahay in waxyaabaha sharciga khuseeya ay leeyihiin sii socosho aan joogsi lahayn, marka laga reebo xaalado gaar ah oo lagu soo afjari karo heshiisyada, lamana mid ah arrimaha siyaasiga ah ee kolba isbed-beddelaya, markaa haddii uu xumaado amma la jaro xidhiidhka siyaasadeed, taasi saamaym kuma yeelato heshiisyada sharci ee ay wada galaan shirkadaha iyo hay’adaha ka shaqeeyaya dalalka xidhiidhkooda siyaasiga ah xumaaday,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Qatar.
Waxaannu ku doonay in haddii xidhiidhka siyaasiga ah amma diblomaasiyadeed ee u dhexeeyey dalka Qatar iyo dalalka xulafada la ah Sucuudigu aanay taasi waajibinayn in la dhibaateeyo dad aan ku shaqo lahayn arrimaha diblomaasiyadda, sida shirkadaha iyo ganacsatada ka dhex shaqaysta dalalka caalamka amma deriska ah.
Dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar oo xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray waddanka Qatar horaanta bishii June ee sannadkan 2017, ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in muwaadiniinta u dhalatay Qatar ay si degdeg ah uga baxaan dalalkooda, halka ay sidoo kale tallaabooyin isugu jira cuno-qabatayn iyo go’doomin ku soo rogeen shirkadaha ganacsiga ee laga leeyahay dalka Qatar.
Hasa yeeshee, dawladda Qatar, ayaa ku doodaysa in tallaabooyinka laga qaaday dadkeeda muwaadiniinta ah iyo shirkadahooga ganacsigu ay tahay mid xad-gudub ku ah qawaaniinta caalamka, sidaa darteedna ay mag-dhaw ka dalbanayaan Sucuudiga iyo Xulafadiisa.