dagaalkaLiyuupolice iyo
Muqdisho(ANN)Xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal maalmihii u danbeeyay ka socday deegaamo ka mid ah xadka ay wadaagaan Ethiopia iyo Somali ee kulaalaya deegaanka Dhuusamareeb, kaas oo dhexmaray Ciidanka Maamul goboleedka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad iyo dadka deegaanka.
Sababta dhalisay dagaalka ayaa tafaasiil kala duwan laga bixiyay, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn xaqiiqda ujeedada dagaalka sababtay iyo dadka ku dhintay, taas oo ay sabab u tahay iyadoo deegaanada dagaalku ka dhacay aanay jirin isgaadhsiin, balse Xukuumadda Somalia ee Xasan Sheekh oo ka hadashay goor dambe ayaa sheegtay in 40 ilaa 50 qof ay ku dhinteen dagaallo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey degaanada u dhow xuduudda Soomaaliya iyo Ethiopia.
Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa u sheegay Idaacada VOA in dagaalladan ay salka ku hayaan aanoyin qabiil, wuxuuna xusay in dowladdaha Soomaaliya iyo Ethiopia ay ka wadahadleen dagaalladan, isla markaana kulan lagaga hadlayo dagaalka uu ka dhici doono Dhuusamareeb, iyadoo kulanka labaadna uu ka dhici doono Jigjiga.
Dhinaca kale Dagaalladan oo siyaabo kala duwan loo fasiray sababta dhalisay, balse qaar ka mid ah dadka deegaanka, ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in ay sababeen Askarta Liyuu Police ee daacada u ah Maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia, kuwaas sida ay sheegeen Laba ka mid ah Askarta gabadh ku kufsadeen deegaanka, iyadoo dhacdadaa ay sababtay in Laba wiil oo ay gabadha walaalo yihiin oo falkaasi hortooda ka dhacay labadii Askari qoryihii ka qaadeen. Kadibna sidaa dagaal ku dhexmaray Liyuu Police iyo dadka deegaanka.
Dagaalka oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayaa sababay in dadkii ku dhaawacmay dhinaca dadka deegaanka la geeyo Gurceel, iyadoo loo gudibin doono qaarkood dhinaca Muqdisho sida uu Idaacada BBC ee Afsoomaaliga u sheegay Oday dadka deegaanka ah ka tirsan.
Liyuu Police oo ah ciidan daacad u ah Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Soomaalida Ethiopia, ayaa marar baddan waxay isku dhaceen dadka ku dhow deegaamada Xadka, kuwaas oo gacan ka hadal dhexmaray, balse dhacdada dagaalka ka dhacay deegaankaa lala xidhiidhiyay, ayaa lagu tilmaamay fal gabood fal iyo xad gudub ka dhan ah xuquuqda Aadamaha, karaamada iyo dhaqanka Bulshada.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.