gaadhi xildhibanada la dilayHargeysa(ANN)Dawlada Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay qiratay in ciidankeedu dileen xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi oo ka tirsanaa Baarlamanka. Kadib weerar lagu qaaday oo dhaawac kasoo gaadhay Xildhibaan Cabdalla Boos, weerarkaa sida xukuumaddu sheegtay askar ka tirsan millatariga Soomaaliya ku qaadeen labada xidlhibaan oo marayay badhtamaha magaalada Muqdisho maalintii Sabtida
Baadhitaanno hordhac ah oo laga sameeyay dilka Yuusuf Dirir Cabdi iyo dhaawaca xildhibaan Cabdalle Boos iyo weliba laba qof la socday, ayaa la sheegay inay geysteen ciidammo ka tirsan dawladda Soomaaliya oo dagaal ku dhexmaray jidka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ee Maka Al-mukarama.

Warar hordhac ah xukuumadda Somalia laga helay, ayaa tibaaxay in baadhitaanno socday 24-kii saacadood ee la soo dhaafay lagu ogaaday in ciidammada millateriga maamulka Muqdisho geysteen weerar lagu qaaday Labada Xildhibaan ee Cabdalla Boos iyo Xildhibaan Yusuf Cabdi Dirir, kaas oo sababay in Xildhibaan Yuusuf ku nafwaayo, isla markaana uu dhaawac kasoo gaadho Xildhibaan Cabdalla Boos, kaddib markii sida la caddeeyey ay rasaas ku fureen ciidammo dawladda Soomaaliya ka tirsan, inkasta oo masuuliyadda weerarkaas kooxda Al-shabaab hore u sheegatay.

“Dhacdadan xannuunka baddan waxay u dhacday sidan; gaadhi ay wateen xildhibaannada oo marayey wadadda Maka-Al-mukarama ayaa waxa ka daba yimi gaadhi ciidammo saaran yihiin, wuxuuna u yeedhiyey hoon, madaama ay shaki abuuri karto gaadhi si xoog ah u socda. Baabuurka xildhibaannadu waxay u diideen inuu gaadhiga ciidammadu baaso, kaddiba gaadhigii ciidanka wuxuu qabsaday haadka kale ee waddada, wuxuuna markiiba xagga hore kaga yimi baabuurkii xildhibaannadu wateen, rasaas ayuuna ku bilaabay. Ilaaladii xildhibaannada la socday, ciidankii waardiyaha ka ahaa laanta socdaalka iyo ciidammo ka tirsan nabad-sugidda oo goobta ka dhawaa ayaa rasaas ku riday gaadhiga millatariga wateen ee xabbadda la dhacay xildhibaannada, waxana gaadhigii ciidanka baacsaday ciidammada nabad-sugidda, waxayna ka dhaawaceen lix askari.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho maanta.

Waxa kaloo afhayeenku xaqiijiyey inay dhacdadaas ku naf waayeen xildhibaan Yuusuf Dirir iyo darawalkiisii, sidoo kalena ku dhaawacmeen mid ka mid ah ilaaladii mudanaha dhintay oo ka tirsanaa booliska iyo lix askari oo ka tirsan millatariga falkaas fuliyey.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in falkaasi aannu ahayn mid lagu bar-tilmaameedsanayey xildhbaannada, balse gaadhiga ciidammadu wateen sameeyey masuuliyad-darro fool xun.”Waxaa meesha ka dhashay kala shaki sababay in la is-rasaaseeyo, mana jiraan gacmo kale oo ku lug lahaa qaabka wax u dhaceen.”
Al-shabaab ayaa sheegatay weerarka shalay lagu khaarajiyay Xildhibaan Yuusuf Dirir, isla marakana uu ku dhaawacmay Xildhibaan Cabdalla Boos oo ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somalia, iyadoo Labada Xildhibaan ee la weeraray kasoo jeedaan Somaliland, waxayna baadhitaannada dawlda Somalia ku sheegtay in aanay Al-shabaab fulin dilka iyo dhaawaca labada xildhibaan, sheegashadooduna tahay been-abuur aan waxba ka jirin.

“Al-shabaab ma dilin xildhibaan Yuusuf Dirir ee waxa dilay ciidammo ka tirsan dawladda Somalia,” ayuu markale yidhi Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Waa markii u horreysay ee maamulka Muqdisho qirtaan in ciidammadeedu fuliyeen dil iyo dhaawac loo geystay xildhibaannada ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, iyadoo ay dilal sidan oo kale oo lala beegsaday Xildhibaanada dawlad taagta daran ee Somalia, kuwaas oo dhamaantood Al-shabaab sheegatay, waxayna arrinta dilka labada xildhibaan ee ugu danbeeyay ee dawlda Somalia qiratay, ayaa shaki gelinaya in ugaadhsiga ay ku naf waayeen xildhibaano baddan oo hore weeraro sidan oo kale loogu fuliyay ay xukuumaddu ku lug lahayd weeraradii lagu khaarajiyay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews