Al-shababoneShabbeele(ANN)Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jira Ciidamada Somalia iyo Ciidamada AMISOM eek u sugan Somalia, ayaa la wareegay xalay deegaamo hor leh oo ka tirsan Koonfurta Somalia. Sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay maanta Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur.
Afar ka mid ah Deegaanka ka tirsan Gobalka Shabeelada Hoose ayay Al-shabaab la wareegeen xalay, kuwaas oo kala ah Aw-dheegle, Mubaarak, Daarasalaam iyo deegaanka Shaam, ka dib markii dagaal qadhaadh oo socday xalay ilaa saaka waaberigii ka dhacay ka dhacay halkaa.
Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in xalay weerar ay ku soo qaadeen kooxda Al-shabaab deegaanadaa oo ka tirsan Gobalka Shabeelada Hoose, kadibna sidaa kula wareegeen meelaha ay qabsadeen, balse ay dib ula wareegeen deeganadaa markii ay maanta gaadheen ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, isagoo xusay in uu dagaalka dhinacooda uu kaga geeriyooday hal Askari oo ka tirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Al-shabaab Sh. Cabdicasiis Abuu Mascub, ayaa sheegay in dagaalada ka dhacay deegaanka Aw-dheegle iyo Mubaarak ay ciidanka dawlada kaga dileen 40 Askari, wuxuuna sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Alfurqaan, balse ma sheegin khasaare soo gaadhay ciidankooda iyo sidoo kale cida gacanta ku haysa deegaamada dagaaladu ka dhaceen ee Shabeelada Hoose.
Ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha dhinacyada Al-shabaab iyo Ciidanka Somalia ee ku dagaalamay Shabeelada Hoose, waxayna labada dhinacba sheegteen guulo. Inkastoo Guddoomiyaha Shabeelada Hoose qiray in deegaamada intooda baddan laga qabsaday markii hore, balse ay ciidamo ka tirsan Milateriga Somalia oo gaadhay dib ugu soo celiyeen gacanta dawlada Somalia, isla markaana waqtigan ay wadaan Ciidanku sidii deegaamada lagu dagaalamay amaankooda loo sugi lahaa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews