Share this:

" />
Telesom Dahabshiil

Xukuumadda Somalia Oo Sheegtay Inay Al-shabaab Kaga Aargudatay Duqayn Dhinaca Cirka Ah Kaddib Weerarkii Lagu Laayay Askarta Brundi

alshabaabxeradaleego2Muqdisho(ANN)Xukuumadda Somalia, ayaa sheegtay in weeraro dhinaca Cirka ah oo lagu qaaday Ururka Al-shabaab lagu bur-buriyay inta baddan hubkii ay ka qabsadeen todobaadkii hore xerada Leego oo qiyaastii dhinaca Woqooyi Galbeed kaga beegan 65 mile magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dileen ku dhowaad inta la ogyahay 70 Askari oo ka mid ahaa kuwa nabad ilaalinta u jooga Somalia ee AMISOM, isla markaana u dhashay dalka Burindi.
alshababxeradaleego1
Weerarkaa oo Al-shabaab ku sheegatay guul weyn oo ay gaadheen, isla markaana hub iyo saanad Milateri ku qabsadeen xerada Leego.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in weerarka dhinaca Cirka ee Al-shabaab lagu qaaday lagu beegay xili ay ku jireen dabaal deg ay u dabaal degayeen Hubkii ay qabsadeen, isla markaana la bur-buriyay hubka ay ka qaateen xeradaa oo ay ku laayeen askarta u dhalatay Burundi.
alshababxeradaleego

Maareeye wuxuu sheegay in inta baddan hubkaa lagu bur-buriyay duqayn diyaaradeed oo lala beegsaday Al-shabaab, wuxuuna sidoo xusay in weerarka xerada leego ay ku qaadeen Al-shabaab ay ku waayeen ilaa 150 dagaal yahan, kuwaas oo sida uu sheegay ahaa dhalinyaro la khalday oo naftooda ku waayay halkaa , kaddib markii ay isku miidaamiyeen xerada.

Wasiir Maareeye ma sheegin cidda lahayd Diyaaradaha ay adeegsadeen ee fuliyay weerarkaa uu ku sheegay aargudashada. Sidoo kale ma xusin khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen Diyaaraduhu iyo halka uu ka dhacay weerarku.
alshababxeradaleego
Dhinaca kale warkan ayaa kusoo beegmay xili Al-shabaab ay sheegeen inay deegaanka dagaalku ka dhacay ka wadaan nadiifin maydadka Askarta Burundi, iyagoo soo bandhigay saanada hubka ay qabsadeen iyo sawirada maydadka daadsan wadooyinka iyo agagaarka xerada oo ay sheegeen in la aasayo.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp