Araweelo News Network

Dubai(ANN)-Weftigii Gollaha wasiirada Somaliland ka tirsanaa ee booqashada ku joogay dalka Imaaraadka Carabta,  ayaa kullan muhiima la yeeshay saraakiisha ugu sarsareysa shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekadda Berbera.

Kullanka oo ay dhanka Jamhuuriyadda Somaliland uga qayb baleen wasiirada A/dibadda DR. Sacad cali Shire, Wasiirka Maalliyada Zamzam Cabdi Aadan, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud xaashi Cabdi, Wasiirka Qorsheynta Maxamed Aadan Qabo, Maareeyaha Dekadda Berber Siciid Xasan C/llaahi iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka UAE Amb. Baashe Cawil Cumar, ayaa waxay la kullmeen  gudoomiyaha Shirkada DP World Suldaan Bin Zubeyr iyo Maareeyaha Guud shirkadaasi Suheyl Bin Al-Bani. Kullankan ayaa labada dhinaca kaga wada hadleen mashruuca balaadhinta dekadda Berbere, Free Zone-ka ay, Mashaariicii samofal iyo horumarin isugu jira oo DP World ka samayn doonto Somaliland.

 

Shirka labada dhinac ku dhexmaray Xarunta Guud Shirkada DP World ee magaalada Dubai, ayaa waxa ay ballanqaadeen masuuliyiinta shirkadaasi inay si dhakhso ah bilaabi doonaan mashruuca balaadhinta iyo casriyeynta dekadda Berbera, iyagoo tababaro dheeraadana siin doona shaqaalaha dekedda Berbera ka hawlgala.

Kullankan ayaa guud ahaanba wuxuu ku dhamaaday guul waxaana la filayaa in weftiga Somaliland maalmaha soo socda kusoo laaban doonaan dalka.