warancade1Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhufatay dalabka Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI mar kale ku dalbaday mudaharaadyo lagu diidan yahay muddo-kordhinta shalay loo sameeyay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada ee uu guddoomiyaha ka yahay hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland oo sumadiisu tahay WAG/XW/237/44/2015, isla markaana ku taariikhaysan 12/05/2015, oo lagu socodsiiyay Xisbiga WADDANI, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland iyo Guddoomiyayaasha gobolada dalka, ayaa lagu sheegay in aan wax mudaharaad ah la oggolayn waqtigan, iyadoo sababo looga dhigay dhawr arrimood.
Qoraalka oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu yidhi, sidan:-
KU:- XISBIGA WADDANI Hargeysa

KU:- TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL Hargeysa.

OG:- DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLADDA & DEGMOOYINKA DALKA Rugtooda.

OG:- TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL Hargeysa.

OG:- WASIIRKU-XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL Hargeysa

OG:- MADAXWEYNAHA JSL Hargeysa.

UJEEDO:- WAGELIN

Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani ee Tirsigeedu yahay XIS/WAD/XDH kuna taariikheysan 14th/05/2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Salmiya ah, isla markaana taariikhda aad soo gudbiseena ay khaldan tahay oo aan la gaadhin maantana ay bishu tahay 12th May2015.

Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani eek u taariikheysan XIS/WAD/XDH ee 07th May 2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Samli ah taasi oo warqadaasi noo soo Gudbiseen 10/05/2015, sida ku cad Qabashada warqadda.

Haddaba Wasaaradda Arrimaha Guduhu markii ay u kuur gashay qoraalka warqadaasi, isla markaana daristay Qawaaniinta iyo xeerarka Dalka u yaala ee khuseeya arrintan, waxay diiday codsiga warqada xisbiga Wadani, kuna sababaysay sidan tan:

1. Iyada oo la eegayo danta guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga

2. Iyada oo la eegayo xaalada hada dalku ku jiro oo ah u diyaar garawga maalintii la soo noqoshada xoriyada 18 may.

3. Iyada oo ay cadaw badani inoogu soo dhuuman karo oo khal khal galin kara xasiloonida Dalka.

4. Iyada oo aanay xisbiga Wadani qoraalkooda ku cadayn in ay mas’uul ka yihiin wixii ka yimaada .

Sidaas darteed, Wasaaradda Arrimaha Guduhu iyada oo cuskanaysa Qodobka 25aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya dhamaan xoriyaadka qofka waxaa shardi ah in aanay ka hor iman xeerka anshaxa guud xasiloonida dalka, ama xuquuqda qofka kale.

Iyada oo cuskanaysa qodobka 10aad faqradiisa 3aad ee xeerka anshaxa iyo Nabadgalyada guud xeer no: 51/2012, mar labaad waxay diiday Ogolaanshaha Mudaharaad dana gaara oo siyaasadeed lagaga fulinayo dalka.

ALLAA MAHAD LEH

CALI MAXAMED WARAN-CADE

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.