Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay dacwad ka gudbisay Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaliga, isla markaana aanay ku qancin jawaabta laga soo bixiyay warqad ay hore ugu qoreen maamulka Idaacada.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka wasaarradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye,oo maanta warbaahinta la hadlay, wuxuuna ku eedeeyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da inay noqotay meelo la mid noqotay Idaacadii Radio Muqdisho oo aan wararkeeda iyo barnaajimyadeedu ahayn kuwo dhexdhexaad ah.

 “BBC-da Laanteeda Afka Soomaaligu waxay ahayd Idaacad aad looga dhegaysto geeska Afrika, waxa Idaacada laga dhegeysan jiray Somaliland, Huteelada, Maqaaxiyaha iyo goobaha laysugu yimaado,maantana meel lagu dhegaysanayo arkimaysid, sababtoo ah, waxay ka baxday dhex-dhexaadnimadii,  waxaan u qornay qoraal dheer, waana ka dacwoonaynaa, waxay ahayd Idaacad lag dhisay Somaliland oo 70 sannadood in ka badan jirtay, waxaad moodaa maanta inay dib ugu soo gurya noqotay oo isu bedeshay Radio Muqdisho.” Ayuu yidhi, Wasiir Maxamed Muuse Diiriye.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Idaacada BBC-du ay hore u ahayd Idaacad ay u wada sinaayeen bulshada Af-soomaaliga ku hadasha, Balse ay hada la mid noqotay Idaacada Muqdisho ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya.

“waxay ii soo celiyeen jawaab yar oo kooban oo ay leeyihiin waanu eegaynaa , waxaanuse ka sugaynaa jawaab waafiya, ka hor inta aanan tallaabo qaadin” ayuu yidhi, Wasiirka Warfaafinta Somaliland.