Araweelo News Network

MadaxweynesilanyoiyosheekhkhaliilHargeysa (ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sababta Gabadh Fannaanad ah oo lagu Magcaabo Nasteexo Indho looga joojiyay Bandhig Caweys heeso ah oo u qorshaysnayd inay habeenkii Axadda kusoo bandhigto Hargeysa, balse ay Ciidanka Amaanka Somaliland joojiyeen.
Gabdhaa Fannaanada ah oo lagu magcaabo Nasteexo Indho oo u dhalatay Soomaaliya, ayaa lala xidhidhiyay caweyskeeda mid aan waafaqsanayn shareecada iyo dhaqanka Bulshada, iyadoo lagu eedeeyay inay muuqaalo fawaaxish ah oo gef ku ah dhaqanka Bulshada iyo caqiidada suuban ku baahisay baraha Internetka, kuwaas oo ay hore ugu duubtay meelo ka baxsan geyiga Soomaalida.

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil, ayaa ka hadlay sababta looga mamnuucay gabadhaa inay dhigto Caweyska heesaha ay doonaysay inay ka qaado magaalada Hargeysa.

Halkan ka Daawo Wasiirka oo ka Hadlaya arrintaa iyo arrimo kale oo dhaqanxumo ah.