Araweelo News Network

Somaliland Presidency Spokesman, Hussein Adan Eggeh ‘Deyr’.

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddaysay in aanay jirin cid sheegan karta xil qaran oo aan sifo sharci ah loogu dooran, maadaama dalku leeyahay dastuur iyo shuruuc ku dhisan nidaamka dawladnimo.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo saxaafadda kula hadlay xarunta Madaxtooyada , waxa uu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo uu ku sheegtay inuu yahay guddoomiyaha rasmi ah ee Golaha Wakiillada, kadib markii uu ka biyo-diiday qaabkii loogu dhawaaqay natiijadii codadka mudanayaasha maalintii Axadda ee toddobaadkan.
“Waxaannu ummadda reer Somaliland u caddeynaynaa in aan laba guddoomiye jirin oo Cabdiraxmaan Talyanle-na markii Xalay Saqdii dhexe (habeenkii Salaasada) la soo kiciyey ay Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi soo kiciyeen ay Saxaafadda soo fadhiisiyeen, Talyanle horta waa nin wanaagsan, waana nin dalkan taariikh weyn ku leh, laakiin meel khalad ah ayuu galay oo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle wuxuu sheegtay guddoomiyenimo oo iyada lafteedu ah dambi qaran oo dalkani taariikh iyo nidaam ayuu leeyahay, mana aha Soomaaliya iyo Xamar oo kale, balse Somaliland ayaa na la yidhaahda, tani waa Hargeysa ninna ma sheegan karo Madaxweyne ama ninna ma sheegan karo guddoomiyaha Golaha Wakiillada, isaga oo aan loo dooran, ninna ma sheegan karo guddoomiyaha Golaha Guurtida isaga oo aan loo dooran, shuruuc ayaanna ka taala….cidna laga yeeli maayo inay shuruucda ku xad-gudbaan ee waa in shuruucda la ilaaliyo,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Haddii aanu nahay Xukuumadda uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland hogaaminayo, waxaannu u arkaynay tartankaasi in laba Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ay loolankaasi isku hayeen, waxaanan qabnaa sidii dimquraadiyaddu ahayd ama Jamhuuriyadda Somaliland lagu yaqaanay ay arrintaasi u dhacday, waanan ku hambalyeynaynaa gelinkii hore ee (maalintii Axadda) hawshaasi sida ay u dhacday, waxa kaloo aanu ku hambalyeynaynaa guddoomiyaha la doortay Md. Baashe Maxamed Faarax ee hore u ahaa guddoomiye-ku-xigeenkii 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland.”
“Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan filayaa in aad intaa ka dib maqasheen hadalada ka soo yeedhay xisbiga WADDANI ee ay ku diidan yihiin natiijadii doorashadii lagu doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaannu aaminsanahay haddii aanu xukuumadda nahay in si sharci ah oo xalaal ah oo cad hal dheeri lagu doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kaasina uu yahay Baashe Maxamed Faarax, balse waxa fajac iyo yaab ku riday hadaladan dambe ee is maax duminta ah ee ka soo baxay Xisbiga WADDANI, murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo taageerayaashii fadhiyey waxay si toosa u arkayeen natiijadii halkaas ka dhacday, waxaanay taasi caddeynaysaa inay tahay mid ka timmi hoggaanka xisbiga WADDANI iyo murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, balse aanay ahayn mid aanu u qabno in Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ay diidmadaasi dhankiisa ka timmi,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.