ciidamadda amniga waxaan leenahay dadka waxaa wada waxay dunuub ka galeen qaranka waana qabanaysaan, waxaana la horgeynayaa sharciga.
Burco (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay mudaharaad maanta ka dhacay magaalada Burco oo watay rabshado, isla markaana sababay khasaare, iyadoo masuuliyiinta xukuumadda ee ka hadlay dhacadada mudaharaadka sheegeen inay sababeen dad ujeeddo gaar ah leh.
Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Somaliland Cabdalla Maxamed Carab (Cabadalla Sandheere) ayaa warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in la qaboojiyay mudaharaadka ka dhacay Magaalada Burco.
Wasiirku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland cafiyay maxaabiis ku jira xabsiyada oo ah kuwa denbiyada fudud, waana sida dhacda marka ay jiraan munaasibaddaha sida 18 May oo aynu munaasibadeeda u diyaar garoobayno gobollada dalka oo dhan. laakiin waxan dadka u sheegayaa in maxaabiista Madaxweynuhu saamaxayaa yihiin kuwa denbiyadda fudud, “Dadka Dunuubta waaweyn gala kuma jiraan kuwa la saamaxayo, weliba maxaabiista dagaalku kuma jiraan kuwa la saamaxayo.” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland, wuxuu sheegay in ay jiraan dad ka faa’idaysanaya dareenka dadka oo warar aan jirin ku kicinaya dadka, isagoo arrinta mudaharaadka ka dhacay Burco ka hadlaya, isla markaana tilmaamaya xaaladda, wuxuu yidhi, “Burco dad baa fawdo ka wada, mana aha mid dan inoo ah, iyadoo ay ku jiro munaasibadda 18 May may ahayn dadku innay ku mudaharaadaan wax aan jirin, shacbiga Somaliland, waxaan u sheegayaa inuu jiro caddaw baddan oo doonaya in layska hor keeno. waxa jira qaar inaga mid ah oo warar been ah faafiya oo yidhaahda, “hebel ayaa lasii deynayaa”, waxba kama jiraan ayaan leenay dadka shacbiga ee Burco oo dad wanaagsan ah. loomana dulqaadanayo dadka arrimahaa siyaasad ahaan uga faa’idaysanaya, ciidanka amniga waxaan leenahay dadka waxaa wada waxay dunuub ka galeen qaranka waana qabanaysaan, waxaana la horgeynayaa sharciga.” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland.
Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Saleebaan (Ramaax), ayaa dhankiisa ka hadlay mudaharaadka, isagoo bulshada u sheegay in wararka loo sheegay yihiin kuwo aan waxba ka jirin, wallow aannay labada masuul midkoodna xusin ikhasaaraha ka dhashay mudaharaadka iyo inay jiraan dad loo xidhay.
Dadka mudaharaadayay ayaa la arkayay iyo taayiro ku gubaya wadooyinka muhiimka ah, waxayna ciidamada Boolisku ku guuldaraysteen inay ku hakiyaan mudaharadka, balse ciidanka Millateriga ayaa markii danbe soo farageliyay arrinta, waxayna ku guulaysteen innay xaaladda dejiyaan.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/