Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Ka Hadashay warar maalmihii u danbeeyay warbaahinta maxaliga ah qaarkood  qaarkood qorayeen oo sheegayay  inay hakisay heshiiskii ay dalka Imaaraadka Carabta saldhigga millatari kaga siisay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo warraysi siiyey telefiishanka SAAB TV, waxa uu sheegay in aanay waxba iska beddelin heshiiska saldhigga millatari ee dawladda Somaliland hore ula gashay Imaaraadka, balse waxa uu qiray in hakad ku yimid hirgelintii mashruucaas.

“Horta marka ugu horreysa heshiiska aynu ku oggolaannay in amniga Imaaraadku (UAE) isticmaalaan Madaarka Berbera, waxa ansixiyey Golaha Wasiirrada, Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida oo isku jira, Madaxweynuhuna wuu saxeexay, arrinkaasina sidiisii ayuu u taagan yahay oo kamaynaan noqon. Hase yeeshee, waxa jira hawlo farsamo iyo qabyooyin jira oo keenay oo sababay inuu hakad ku yimaaddo hawl-wadkii mashruuca,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Waxa uu intaa sii raaciyey, “Anigu warqad aan u qoray oo aan ku idhi; ‘Hakiya amma joojiya amma waannu ka noqonnay runtii ma jiro.’ Laakiin, way jiraan xidhiidh iyo waraaqo aannu is-dhaafsannay oo ku saabsan sidii loo qabyo-tiri lahaa wixii qabyo ah ee jira.
Matelan, heshiisku qolo walba wax buu ku waajibinayaa. Waxyaabaha uu ku waajibinayo Imaaraadka (UAE) waxa ka mid ah; in la dhiso jidkii Berbera ilaa Wajaale iyo in la dhiso madaar maddani ah amma shacab.

Labadaas mashruucba ilaa imminka nashqaddoodii, qorshahoodii, bilowgoodii iyo dhammaadkoodiiba way socdaan, runtiina weli namay soo gaadhin. Markaa waxyaabaha weli taag-taagan weeye. Waxa iyana jiray ammuuro la xidhiidha kastamka, ammuuro la xidhiidha dhismaha laftigiisa. Markaa waxyaabo caynkaas ah oo farsamo ayaa jira oo runtii u baahan in la dhammaystiro.”

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa wax laga weydiiyey waxa uu ka ogyahay warar maalmihii u dambeeyey warbaahinta ku jiray oo ku saabsan hanjabaad ka soo yeedhay Xuutiyiinta dalka Yemen oo ku saabsan saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaynayaan magaalada Berbera.

“Horta sawirrada waan ku arkay WhataApp-ka, laakiin runtii wax qoraal rasmi ah oo annaga naga soo gaadhay Xuutiyiinta oo arrinkaas ku saabsan ma jiro. Markii hore ee aynu arrinka galnaynay dabcan waxyaabo badan inay dhici karaan waynu ogsoonayn oo dee sidaas ayeynu u badheedhnay oo aynu dan moodnay, oo innagu dan baynu u galnay, danteeniina weli way taagan tahay,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

Su’aal: Haddii Xuutiyiintu ugu soo hanjabaan Somaliland in saldhiggaas la dhiso, rasmina noqdaan wararkaas muuqaallada ah ee Facebook-ga iyo WhataApp-ka ku baahanaya, maxaa qorshe ah oo Somaliland uga meel yaalla?

Jawaab: Wallaahi, dee sidii aynu uga jawaabi lahayn markaa ha timaaddo, markaasaa jawaabta ku habboon la siin doonaa, haddii ay tahay af iyo haddii ay tahay ficilba.