Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay  Dhawaaqa Dawladda Seychelles Ku Muujisay Sida Ay Uga  Cadhootay Cafiska Madaxweyne Biixi U Fidiyay Maxaabiis Budhcad-badeed Ah

Hargeys(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay canbaarayn kaga timi Dawladda Jamhuuriyadda Seychelles oo ka xumaatay go’aan uu Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi  ku cafiyay maxaabiis budhcad-badeed ah oo tiradoodu dhammayd 19,  kuwaas ku jiray xabsiga Hargaysa tan iyo sannadkii 2012.

Balse lagu sii daayay Cafiskaa Madaxweynaha, isla markaana dalka ka dhoofay maalintii shalay, iyagoo usii jeeda dhinaca dalka Soomaaliya oo ay u dhasheen. Kadib markii Madaxweynuhu qaabilay Odayaal dhaqameed kasoo jeeda Soomaaliya oo qaarkood yihiin ehelada maxaabiistaa.

Xukuumadda Seychelles , ayaa sii daynta maxaabiistaa ku tilmaantay mid aan waafaqsayn heshiis ay horre ula saxeexatay Jamhuuriyadda Somaliland, Sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Seychelles,  kaas oo lagu xusay in go’aanka degdega ah ee maxaabiista lagu sii daayay iyaga oon dhamaysan muddada ay ku xukunaayeen oo ahayd 30 ilaa 42 sannadood uu xad gudub ku yahay heshiiskii ay kala saxeexdeen dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyada Seychelles ee ku taariikhaysan 2011.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Seychelles, waxa lagu sheegay in heshiiskaasi uu  dhigayay in maxaabiista Budhcad-badeeda ah ee lagu xukumo gudaha dalka Seychelles, kadibna loo soo wareejiyo dhinaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland si ay muddada lagu xukumay ugu dhamaystaan.

Xukuumadda Seychelles, waxay sidoo kale  ku dooday in heshiiskaasi dhigayay inay iyagu xaq u leeyahiin waxii laga bedelayo xukunka maxaabiista,  balse aannay Somaliland kala tashan cafiska loo fidiyay maxaabiista, iyadoo ay dawladda Seychelles caddaysay in ay qoraal cabasho ah u soo gudbisay xukuumadda Somaliland.

Seychelles waxay kaloo warqad u qortay Mauritius iyo Indian Ocean Commission (IOC), oo ah Gudoomiyaha Kooxda Xidhiidhka Budhcad-Badeedda ee Xeebaha Soomaaliya (CGPCS), waxayna kaga dalbadeen in ay taageerada beesha caalamka kaga dalbadaan inay dhalleeceeyaan sii deyntii 19-kii. Budhcad-badeedda Soomaalida ee ay mas’uuliyiinta Somaliland sii daayeen iyo inay arrinta u soo gudbiyaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Hasayeeshee, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Somaliland xaq u leedahay inay sii deyso, isagoo sheegay in Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu cafiyo maxaabiistaa oo muddo dheer ku jiray xabsiga Somaliland.

“Heshiiska Seychelles lala galay ma ahayn haya maxaabiista ilaa dharraarta u danbaysa , amma ilaa taariikhdaa haya kuma qorna, waxay ahaayeen dad Soomaaliyeed oo qaarkood 9-sannadood iyo 10-sannadood ay xidhnaayeen, madaxweynuhuna xaq ayuu u leeyahay inuu cafiyo oo xeerkaa siinaya.” Ayuu yidhi, Wasiirka oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, wuxuuna  diiday in wax su’aalo ah laga weydiiyo khilaafka Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Seychelles ee la xidhidiha sii deynta maxaabiistaa.

Dhinaca kale wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi  oo ku taariikhaysan 29 July 2019 ayaa lagu sharaxay asbaabaha loo cuskaday cafiska maxaabiista Budhcad-badeedda,  Wareegtadaa oo Summaddeedu ahayd /JSL/XM/WM/222-350/072019, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu Cafis  ugu Fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles oo u xidhnaa falalka Budhcad-badeednimada.

Wareegtadaa, waxa lagu xusay in Madaxweynaha Somaliland Cafiska Maxaabiista u cuskaday, markuu arkay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad xubintiisa 5aad iyo Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah awooddaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;  

Markaan Arkay: Maxaabiista u xidhan falalka budhcad-badeednimo ee lagu soo xukumay dalka Seychelles ay Jamhuuriyadda Somaliland u aqbashay xabsi ku hayntoodu ay ahayd in ay ka qayb-qaadato dadaalladii Caalamiga ahaa ee la dagaalanka budhcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas;

Markaan Arkay  Ujeeddada heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland la gashay Dalka Seychelles ee soo wareejinta maxaabiista u dhalatay dalka Soomaaliya ay ku salaysnayd arrimo bani’aadannimo oo ay ka mid tahay in maxaabiiistu helaan dal ay bii’addiisa diin ahaan, dhaqan ahaan, iyo luuqad ahaanba fahmi karaan, loona soo dhaweeyo ehelladooda, maaddaama xaaladaha amni ee ka jiray dalkoodu aanay suurtagalinayn in loo wareejiyo xabsiyadooda;

Halkan ka Akhri: Madaxweynayaasha Labada Dal Ee Somaliland Iyo Seychelles oo Qalinka Ku Duugay Heshiis Ku Saabsan Budhcad Badeeda Soomaalida

Markaan Arkay;  Maxaabiista u xidhan dambiyada budhcad-badeednimadu in muddadii ay ku jireen xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland loo sameeyay dhaqan-celin iyo toosin, taasina ay keentay in ay la yimaaddaan dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan, kana tanaasulaan falalkii budcad-badeednimo;

Markaan Tixgaliyey:     Codsiga Madax-dhaqameedka, waayeelka iyo ehellada maxaabiista budhcad-badeednimada u xidhan ee laga soo wareejiyey Dalka Seychelles;

Markaan Helay:   Qoraalka soo-jeedinta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/168/2019, kuna taariikhaysan 24/07/2019;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seychelles ee u xidhan falalka Budhcad-badeednimada, kuwaas oo kala ah:

1)            Maxamed Axmed Ciise

2)            Cadow Cali Cismaan

3)            Cabdillaahi Yuusuf Xirsi

4)            Axmed Cali Cismaan

5)            Axmed Cali Siciid

6)            Maxamed Axmed Cali

7)            Bashiir Khaliif Xaashi

8)            Cabdirisaaq Maxamed Cali

9)            Cabdifataax Axmed Xasan

10)          Nuur Maxamed Aadan

11)          Jamaal Maxamed Cali

12)          Cali Maxamed Cali

13)          Cabdillaahi Maxamed Xasan

14)          Cabdi Tahliil Xasan

15)          Daahir Cabdillaahi Warsame

16)          Cabdiqaadir Cabdi Cali

17)          Cabdinuur Xaaji Aadan

18)          Maxamed Maxamuud Xasan

19)          Abuukar Axmed Ciise

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department